Akhriso: Dawladaha Hoose Ee Gobolada Bariga Somaliland Oo Markii Koowaad Shir Yeeshay

Laascaanood, (HCTV) – Shirweynaha ururka Dawladaha Hoose ee gobolada bariga Somaliland ayaa ka furmay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta dawladaha Hoose ee degmooyinka Barigu.

Waxaana shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka Dawladaha Hoose ee Somaliland, waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Agaasimaha dawladaha Hoose Maxamed Cabdi Xaashi oo ka waramay ujeedada shirka loo qabtay iyo waliba degmooyinka cusub ee ku soo biiray ururka dawladaha hoose ee Somaliland.

Maayarka magaalada Laascaanood, Cabdicasiis Xuseen

“Runtii anagu ujeedada aanu halkan u nimid waxa ay tahay in degmooyinkan hada aan soo sheegay ay ka mid noqdaan ururka, waaba ay ka mid yihiine, isla markaana aanu fahamsiino faa’iidooyinka uu ururku leeyahay. Wixii dhib iyo dheef uu leeyahay ururkuna ay ka mid noqdaan” ayuu yidhi Agaasimaha Dawladaha Hoose ee Somaliland Mr Maxamed Cabdi Xaashi.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Cabdi Xaamuud oo ka mid ah wakiilka DNG ee Somaliland, waxaanu sheegay in waajibaadkoodu uu yahay sidii ay u dhisi lahaayeen magaalooyinka iyo degmooyinka Somaliland, waxaanu yidhi “Waajibaadkayagu waxa uu yahay in aanu dhisno magaalooyinka iyo degmooyinka oo dhan, runtii meelaha ay baahi ka jirto.”

Waxa kale oo isaguna shirkaasi Dawladaha Hoose ee gobolada bariga Somaliland ee ka furmay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ka hadlay Maayirka magaalada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen oo isagu ah masuulka shirkaasi marti galiyey waxaanu yidhi “Waxa farxad weyn noo ah in aanu halkan ku qabano shir ay isugu imanayaan degmooyinkii ugu baaleeya xagga xuduudka Somaliland oo ay halkan marti inoogu yihiin Maayiradii magaalooyinka Dhahar, Laasqoray, Badhan, Taleex, Xudun iyo Buuhoodle.” Ayuu yidhi Maayarka magaalada Laascaanood Mr Cabdicasiis waxaanu intaasi ku daray in shirkani uu yahay kii koowaad ee lagu qabto halkan ama ay yeeshaan degmooyinkani, waxaanu intaasi raaciyey in aanu noqon doonin kii ugu dambeeyey balse ay marar badan isku iman doonaan isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi mar kale “Shirkani waa kii koowaad ee aanu yeelano insha allaahuna noqon maayo markii ugu dambaysay, waxaanu filaynaa in aanu marar badan ku qaban doono halkan” ayuu yidhi Maayarka magaalada Laascaanood.

Gabagabadii waxa isaguna furitaankii Shirka Dawladaha Hoose ee gobolada Bariga Somaliland ka hadlay gudoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Jiidha Maxamuud, waxaanu yidhi “Waanu idinku soo dhaweynaynaa runtii in maanta Laascaanood aad isugu timaadaan, ku shirtaan, danihiina kaga hadashaan, horumarka dawladaha hoose iyo waxqabadka degmooyinka aad kaga hadashaan aadbaanu usoo dhaweynaynaa.” Ayuu yidhi  gudoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Jiidha Maxamuud.