Saraakiil Da’yar oo la Wareegay Amniga Muqdisho.

kadib markii 15 qof wasiir ku xigeen ku jiro ay ku dhinteen Qaraxyo Xoogbadan oo Al-Shabaab ay shalay ka gaysteen Magaalada Muqdisho, gaar ahaan wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha ee Soomaaliya ayaa dawladda Federaalka Soomaaliya ay kaga jawaabtay in shaqada laga eryo saraakiishii ugu saraysay amniga degmooyinka Muqdisho.
iyadoo lagu badalay saraakiil da’yar oo ka tirsan Booliska oo isugu jira Rag iyo Dumar.

  • halkan ka Akhri Macluumaadka Saraakiisha la Magcaabay iyo degmooyinka loo xilsaaray.

Cabdi Fitaax Mire oo ahaa Taliyihii degmada Hodan, waxaa loo magacaabay Taliyaha qeybta Waliyo Cadde ee booliska, iyadoo Kuxigeen looga dhigay Shuceyb Abdi.

Maxamed Jeego oo hore u ahaa Taliye Kuxigeenkii Nabadsugida gobolka Banaadir, waxaa hada loo magacaabay Taliye Ku Xigeenka Booliska qaybta guud ee Gobolka Banaadir.

Liibaan Shidane, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Kaaraan.

Yaasiin Nur Khayre, waxaa loo magacaabay Taliye Ku xigeenka qeybta bartamaha .

Bashiir Cabdi SIyaad, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga booliska degmada Hodan.

Axmed Taree, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Kaxda

Xuseen Cadceed oo si KMG-ah u hayay xilka Taliyaha Saldhiga Warta-Nabada tan iyo markii la dilay Taliyihii hore macalin Daahir, ayaa Caawa si rasmi ah xilkaasi loogu magacaabay.

Ismaaciil Muuse Yuusuf, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska Dharkiinley.

Najiib Carab, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Boondheere.

Axmed Khadar, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Xamar weyne.

Maxamed C/qaadir, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Waaberi, waxaana Kuxigeen looga dhigay gabar lagu magacaabo Taliso Abtidoon.