Bariga Afrika: Malaayiin Qof Oo Wajahaya Abaar Daba Dheeraatay (Warbixin)

Women herd their goats through a dry riverbed in rural Dire Dawa administration, Ethiopia, February 6, 2019.

Dire Dawa, Ethiopia, (HCTV) – Malaayiin qof oo ku nool dalalka Geeska Afrika ayaa wajahaya abaar daba dheeraatay, taas oo qaramada Midoobay ay dirtay codsi degdeg ah oo kaalmo loo helo si cuno gargaar ah loogu dalbo badbaadada nolol tiro badan.

Horaantii bishan, ayaa aqalka looga arimiyo dalka Maraykanka oo u gudbiyey Congresska miisaaniyad sanadeedka 2020-ka, waxa uu ku baaqay in la jaro 24 boqolkiiba kaalmada dibada ee dalka Maraykanka.

Xog dhawaan la sii daayey oo ay soo saartay Famine Early Warning Systems Network (FEWSN) ayaa saadaalisay in abaartu ka sii darayso, oo dad badan ay wajihi doonaan gaajo iyo in dalagii ka soo gu’I lahaa gobolka geeska Afrika bishan uu guuldaraystay boqolkiiba 30.

“Waxa aanu ka walwalsanahay xaalada gobolka ee ka sii daraysa oo qoysas badan aanu arkayno inay ku noolyihiin dhul adag oo noloshu ku adagtahay,” sidaasi waxa yidhi Matt Davis, oo ah Agaasimaha Gobolka Bariga Afrika adeegyada samafalka u qaabilsan CRS, oo badanka barnaamijka cunada mucaawinooyika ee gobolka la gaadhsiiyo ka heli jiray dawladda Maraykanka.

“Waxa aanu ka walaacsanahay in meesha laga saaro miisaaniyada malaayiin dad ah oo aduunka ku dhaqan markii ay u baahnaayeen caawimo in meesha laga saaro” ayuu intaasi ku daray Matt Davis.

Isbadalka Cimilada ayaa si dhakhso ah saamayn ugu yeelatay Dalagii meelo farabadan oo dad sabool ah oo aduunka ahi ay ku dhaqan yihiin.

Xajmiga Cimalada adag iyo isbadalka Masiibada ah waxa ka mid ah Kulaylka farabadan, Abaarta, Meelo daadad iyo duufaano ay ka dhacayaan oo sii libin laabmayey tan iyo 1990-kii, sida ay warbixin ay sii daayeen ku cadeeyeen Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Helida Cuntada iyo Nafaqada Aduunka.

Waxaana ay tilmaameen in Masiibooyinkan baabiiya dalaga ay cawaaqib ku keento dadka ku nool dhulka xogxog ee Geeska Afrika oo lagu qiyaaso in boqolkiiba 80 bulshadaasi ay  ku tiirsanaayeen beeraha.

“Ma arkayno sibadal hagaagson oo ka soo fool leh cimilada” sidaasi waxa tidhi Birhan, oo ah hooyo dhashay afar caruur ah oo degan miyiga Hawzen ee gobolka Tigrayga ee dalka Ethiopia.

HCTV News Desk