Tirada Dacwado Musuqmaasuq Oo Hor-yaalla Xeer-ilaalinta Somaliland

Hargeysa (HCTV) – Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland, Xasan Axmed Aadan ayaa shaaca ka qaaday in Hanti-dhowrka guud uu u soo gudbiyey Dacwado ka dhan ah Masuuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo Gaashaandhigga.

Xasah Axmed Aadan, Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland

Xeer ilaaliye Xasan Axmed Aadan oo Maanta Waraysi siiyey Telefiishanka HCTV ayaa sheegay in Hanti-dhowrka guud ee Qaranku u soo gudbiyey Dacwado ka dhan ah Masuuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo Gaashaandhigga.

Xasan wuxuu sheegay inay Xeer ilaalin ahaan eegayaan in dacwadani sharciga waafaqsan yihiin, si hadday ku qancaan ay ugu gudbiyaan Maxkamadda oo dacwadda loogu oogo Masuuliyiinta Wasaaradaha gaashaandhigga iyo Warfaafinta ee la eedeeyay, wallow aanu Magac dhebin Xubnaha la eedeeyay kuwa ay yihiin.

“Way jiraan Dacwado Hanti-dhowrku noo soo gudbiyey oo uu soo baadhay oo Xafiiska yaalla, waa laba Fayl, mid wuxuu la xidhiidhaa Wasaaradda Warfaafinta, midna Wasaaradda Gaashaandhigga, Dacwadahaas oo lagu dacwaynayo masuuliyiinta Wasaaraddaasi..”ayuu yidhi, Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland.

Xeer ilaaliyuhu waxa kale oo uu ka hadlay, khalad sharciNA ku macneeyay damiin lagu siidaayey Agaasimihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta oo Boolisku toddobaadkii hore u xidheen tuhunno musuqmaasuq “Way jiraan qaar lagu siidaayey dammaanaddaasi, laakiin Annagu waxaanu dabaqaynaa xeerka la dagaalanka musuqmaasuqa iyo lunsiga Hantida, xeerkaasina wuxuu dhigayaa in aanay damaanad lahayn, oo aanay iib lahayn (haddii xukun ku dhaco)…”

HCTV News Desk