Xasuuq Ka Dhacay Dalka Maali

Mali (HCTV) – In ka badan 130 Qof ayaa lagu dilay degaan ku yaalla badhtamaha Dalka Maali Sabtidii, ka dib markii ay soo weerarreen Rag hubaysan oo xidhan dhar dhaqameedka ay xidhaan Dadka ugaadhsatada ah.

Ragga hubaysan ayaa markii hore isku gedaamay Tuulada lagu Magacaabo Dawn, ka hor intii aanay guryahooda ku weerarrin Dadka ku dhaqan Ogossagou oo ka tirsan Gobolka Mopti.

Ragga hubaysan ayaa waxay bartilmaameedsadeen Dadka ka soo jeeda beesha Fulani oo ka mid ah Dadka deggan degaanka weerarkani ka dhacay, waxaana sida laga soo xigtay Maamullayaasha dalkaasi Dadka la laayay lagu eedeeyay inay magan-geliyaan Kooxo Jihaadiyiin ah.

Mali iyo Dalalka Jaarka la ah

Weerarkan oo xasuuq lagu tilmaamay ayaa ku soo beegmay xilli uu Mali ku sugan yahay Safiirka u qaabilsan Qaramada midoobay, kaasi oo halkaa u tagay inuu Dawladda dalkaasi kala hadlo sii socoshada fad-qalalooyinka Diinta ku salaysan ee degaankaasi ka jira.

Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegtay in dhbbaneyaasha la weerarray dilkooda loo adeegsaday waxyaabo kala duwan oo Hubka fudud ka mid yahay, markaasi ka dibna la gubay guryahoodii.

Dadka xasuuqan geystay ayaa aaminsan in Dadka ay xasuuqeen ay gabbaad u ahaayeen kooxaha Jihaadiyiinta ah ee dagaallada ka wada Dalka Maali.

HCTV News Desk