Kenya Oo Gaadiid Raashin Iyo Biyo Sida U Dirtay Gobolo Abaari Ku Dhufatay

Nairobi, (HCTV) – Gaadiid sida raashin iyo biyo gargaar ah ayaa u kolonyaystay gobolada Turkana Iyo West Pokot oo ka tirsan deegaamada Waqooyi-Galbeed ee dalka Kenya oo abaar ba’ani ku dhufatay.

Kolonyada sida shixnadahan Raashinka ah ayaa la filayaa inay gaadhaan kumamaan Kenyan ah oo macaluulaya maadaama oo deegaamadaasi ay ku nool yihiin abaari ku habsatay.

Inkastoo dad badani ay ilaa iyo hada ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan Cuno iyo biyo la’aan, waxaana dadka deegaamadan ay abaartu saamaysay ee gobolka Waqooyi-galbeed ee Turkana ay sheegeen inay u baahan yihiin xal joogto ah oo wax lagaga qabto dhibaatada ay gayaysiisay Abaartu.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay u baahan tahay lacago dheeraad oo ay wax kaga qabtaan Abaar baaxad leh oo ka jirta dalalka Geeska Afrika.

HCTV News Desk