Maxaa Ka Khaldanaa Astaantii Somaliland Ee Madaxweyne Biixi La Hor-dhigay ?

Hargeysa  (HCTV) – Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland, ahna Muwaadinka Allifay Astaanta Qaranka Somaliland, ayaa ka hadlay Astaan khaldan oo Shalay la hor-dhigay Madaxweynaha Somaliland oo Labada Aqal ee Baarlamaanka u jeediyey Khudbad-sannadeedka.

Cabdillaahi-jawaan oo Maanta uu Telefishanka HCTV waydiiyey sida uu u arko astaanta Qaranka ee khaladaadku ku jiro ee la hor-dhigay Madaxweynaha ayaa ku jawaabay “Astaanta Qaranku maaha ta Madaxweynaha iyo Afarta Janan hoos taallay (Markii Madaxweynuhu khudbad-sanadeedka). Astaanta Qaranku waxay ku taallaa Dastuurka, wax walba wuxuu u taagan yahay, markaa aad baan uga niyad-xumaaday in Madaxweynihii Qaranka oo khudbaddii sannadlaha ahayd u jeedinaya labada Gole ee Baarlamaanka, nusqaan bay ku ahayd (Astaanta khaldan ee hor-taallay), waayo? Waxa la inoo arkayaa Dad aan garanayn Astaamaha Qarankooda, Astaanta Qaranka iyo Calanku waa waxa ugu sareeya Dalka Somaliland.”

 

Astaanta khaldan oo ah ta Madaxweynaha hor-taalla ayaa Illaa Shalay dood ka dhex abuurtay Bulshada, waxaana Dadka waxgaradka qaarkood ku taliyeen inaan wax ka beddel lagu samaynin Calaamadaha ama Astaamaha gaarka u ah Somaliland.

 

 

 

 

HCTV News Desk