Taliyeyaashii Militeriga MALI oo Talaabo laga Qaaday.

Image result for Generaal M’Bemba Moussa KeitaMadaxwaynaha Wadanka Mali Ibrahim Boubacar Keita, ayaa shaqada ka caydhiyay, isla markaana Soo magcaabay Saraakiishii Badali lahayd kuwa la eryay, kadib markii dalkaasi ay ka dhaceen weeraro lagu dilay dad badan oo xoolo dhaqato ah iyo tobanan ka mid ah askarta wadankaasi.

saraakiisha la eryay ayaa kala ah:-

Generaal M’Bemba Moussa Keita taliyihii Guud ee Ciidanka waxaana xilkaasi loo magcaabay Gen.Abdoulaye Coulibaly.

sidoo kale waxaa la eryay taliyihii Ciidanka Lugta ee dalkaasi Gen.Abdrahamane Baby waxaana lagu badalay sarkaal kale oo lagu magcaabo Gen.Keba Sangare.

Talaabada uu qaaday Madaxwayne keita, waxaa sababay kadib markii weerar lagu dilay 134 qof oo shacab ah oo ku noolaa deegaanka Fulani, dilka dadkaasi ayaa lagu eedeeyay inay fuliyeen Qawmiyad kale oo xiisadi ka dhaxayso.

Image result for Ibrahim Boubacar Keita and his generals

sidoo kale falaago gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa 23 Askari ku dilay qaybo ka id ah wadankaasi.

Qaramada midoobay ayaa walaac ka muujisay isku dhacyada qawmiyadaha iyo weerarada argagixiso ee ka dhacay dalkaasi oo ay ku tilmaameen kuwo sii kordhaya.
ciidamada nabad ilaalinta ee dalkaasi Mali ku sugan ayaa la tacaalaya xasaradaha ka oogan dalkaasi.