Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo Loogu Baaqay Inay Iscasilaan

Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo Loogu Baaqay Inay Iscasilaan

Imaaraadka Carabta Oo Amaro Ka Soo Saaray Gaadiidka Waaweyn Bisha Ramadaan
Dalka Sudan Oo Dhiig Ku Daatay
Somaliland: Maxkamadda Sare Oo Siidaysay Sheekh Aadan-Sunne Iyo Dhallinyaro Xidhnaa Illaa 2017-kii
Xildhibaan Sheegay In 12 Wiil Ay Gabadh Ku Kufsadeen Boorama
Muqdisho Xisbiga Dadka Oo Ansixiyey Gudida Fulinta Ee Xisbiga.

Hargeysa (HCTV) – Daladda Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF ayaa Guddiga doorashooyinka Somaliland ku eedeeyay inay ku fashilmeen inay qabtaan doorashooyinkii Goleyaasha Wakiillada iyo degaannada.

SONSAF ayaa sheegay in Guddiga doorashooyinku aanay kalsooni ka haysan Xisbiyada ay dhexdhexaadinayaan, sidaa darteedna waxay u soo jeediyeen inay kuraasta banneeyaan, si ay yidhaahdeen doorashadu u qabsoonto.

Guddoomiyaha Daladda SONSAF, Anwar Cabdiraxmaan oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo xubnaha Daladdaasi ku qabteen Hargeysa ayaa yidhi “Waxa noo muuqatay inay fashilantay wakhtigii doorashada la qaban lahaa, markaa waxaanu soo jeedinaynaa ama ay noola muuqataa haddaad garsoore tahay oo aad Cid u garsoorayso, haddii dhinac ka mid ahi kugu kalsoonaan waayey ama aad dhammaantoodba ka waydo wada-shaqayn, Guddiga doorashooyinka waxaanu u soo jeedinaynaa in aanay wakhtiga ka lumin Ummadda iyo Qaranka oo ay banneeyaan Kuraasta ay ku fadhiyaan, si ay doorashadu u qabsoonto..”

 

HCTV News Desk

COMMENTS

%d bloggers like this: