Diyaarad Si khalad ah u Fadhiisatay Magaalo aanay ku Socon.

Image result for British Airways

Diyaarad ka tirsan Shikadda British Airways, ayaa si khaldan u cago-dhigatay magaalada Edinburgh ee ka tirsan isla UK gaar ahaan gobolka scotland iyadoo Rakaabku ay u socdeen  jarmalka.

Markii ay kasoo duushay Garoonka Diyaaradaha london waxay ujeedadu ahayd inay ka degto magaalada Dusseldorf ee Jarmalka, balse taasi ma dhicin, sababtoo ah waxaa khaldamay xogta duulimaadka ee la siiyay Duuliyaha diyaaradda, oo halkii lagu qori lahaa in duulimaadku u socdo Dusseldorf ayaa lagu qoray “Edinburgh” sida ay sheegeen saraakiisha shirkadda British Airways.

Rakaabka diyaaradda ayaa ku war helay inay ka dageen meel kale, markii shaqaalaha diyaaraddu ay sheegeen in lasoo gaadhay madaarka Edinburgh, inkasta oo markii dambe loo diyaariyay duulimaad kale oo gaadhsiiyay magaalada ay u socdeen.

Masuuliyiinta Shirkadda diyaaradaha ingiriiska ayaa sheegtay in ay ka raali gelinayaan dhammaan dadkii rakaabka ahaa ee khaladkaasi saameeyey isla markaana ay qof qof ula hadli doonaan.

sidoo kale saraakiisha diyaaradaha qaabilsan ee jarmalka ayaa sheegay in duuliyuhu aanuu eed ku lahayn khaladka dhacay,balse ay baadhayaan sababta is waydaarisay warqadaha xogta duulimaadku ku qornaa taasi oo keentay in duuliyuhu uu fadhiisiyo Magaalo aanay u soconin Rakaabkiisu.

HORN CABLE TV.

Cabdishakur dayib Maxamed