Kumanaan Daacish ah oo loo Dalbaday Maxkamad Caalami ah.

Image result for Islamic State group: Syria's Kurds call for international tribunal

Xoogagga Kurdiyiinta ee maamula waqooyiga Suuriya, ayaa beesha caalamka ugu baaqay in Maxkamad caalami ah la saaro kumanaan xubnood oo ka tirsanaa ururka daacish in loo diyaariyo maxkamad caalami ah oo lagu qaado kiisaskooda.

Maamulka kuriydiyiinta ayaa gacanta ku haya in ka badan 1000 dagaal yahan oo ka tirsanaa ururka daacish kuwaasi oo ku jira xeryo ay dusha ka ilaaliyaan ciidanka kuriyiintu.

warqoraal ah oo ay soo saareen maamulka kurdiyiintu ayaa u dhignaa sidan “maxkamad gaar ah oo caalami ah ayaa loo baahan yahay si loo xukumo argagixisada, si loo hubiyo xukunkoodu inuu u dhacay si caddaalad ah loona mariyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha” ayaa lau sheegay warkaasi kasoo baxay xoogagga kurdida.
sarakaal ka tirsan ciidanka kurdida oo lagu magcaabo Cabdul Kariim Cumar,ayaa BBC-da u sheegay inay la halgamayaan gacan ku haynta kumanaan qof oo isasoo dhiibay, kadib markii laga adkaaday ururkii ay ka tirsanaayeen ee Daacish.

Image result for Islamic State group: Syria's Kurds call for international tribunal
ururka ISIS oo mar maamuli jiray dhul baaxaddiisu gaadhayso 88,000 KM oo ka tirsan Ciraaq iyo Suuriya, ayaa todobaadkii hore laga qabsaday goobtii ugu dambaysay ee ay gacanta ku hayeen oo ahayd magaalada Baaquus, taasi oo keentay, dagaalameyaashu inay si habqan ah isugu dhiibaan maamulka kurdiyiinta.

Dawladda maraykanka ayaa shaacisay in la jabiyay islaamiyiinta Daacish, islama markaana uu dhammaaday dagaalkii xulafadu ay kula jireen Ururkaasi la magac baxay khilaafada islaamka oo soo shaac baxay 4 sano ka hor.

Related image