Qoys Raadinaya Meydka Wiil Kaga Dhintay Liibiya

Gabiley (HCTV) – Wiil Magaciisu ahaa Cabdi Aw Cabdillaahi oo muddo sannad laga joogo ka Tahriibay Magaalada Gabiley ee Somaliland, ayaa Qoyskiisu raadinayaa Meydkiisa si ay u aasaan, ka dib markii uu ku Geeriyooday Dalka Liibiya.

Allaah ha u naxariistee, Marxuumka oo Da’diisu ahayd 30 jir  ayaa  in muddo ah waxaa Dalka Liibiya ku haystay kooxaha wax Tahriibiya ee Soomaalidu u taqaano Magafe.

wiilka Geeriyooday  oo dhowr jeer laga bixiyey lacag Madax-furasho ah, si loo sii daayo ayaa doonayay inuu dalkiisa  kusoo laabto hadii xoriyaddiisa la siiyo.

balse isagoo aan wali la siidaynin ayuu geeriday sabab aan la xaqiijin  “Axaddii baanu ogaanay Geeridiisa..” ayay tidhi Nimco Cali oo ay ehel ahaayeen Marxuumka Geeriyooday oo la hadashay HCTV.

Nimco oo ka waramaysa halka uu yaalo maydka wiilkooda ayaa tidhi  “Meydkiisa iyagaa haysta” waxay ku dartay inay rejo ka qabaan inay helaan Meydka wiilkooda si loo aaso.

 

Sanadihii u dambeeyay dhallinyaro badan oo Soomaali ah ayaa Tahriib ku tagay Dalka Liibiya, iyagoo sii maray Dalalka Itoobiya iyo Suudaan oo ay dhibaato badan kala kulmaan, kuwaasi oo qaarkood loo qabsado Madax-furasho lacageed, haddii ay bixin waayaana la dilo, balse arrintan layaabka leh ayaa ah in kooxaha Tahriibka ku shaqaystaa Madax-furashadii ku dareen inay haystaan Meydka Qofka Gacantooda ku baxa ama si kale u Geeriyooda.

 

HCTV News Desk