Masar Iyo Somaliland Oo Qaahira Ku Shiray

Masar (HCTV) – Weftiga ka socda Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa booqasho ku tagay Dalka Masar.

Weftigan oo uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa markii ay halkaa gaadheen waxa qaabilay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda ee Dalka Masar Xamdi Luza.

Weftiga uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda ayaa waxa ay halkaa kula kulmeen Masuuliyiin ay ka mid ah Kaaliyeyaasha Dawladda Masar u qaabilsan Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda ee Somaliland iyo Weftiga uu hoggaaminayo  waxa kale oo ay kulan la yeesheen Masuuliyiin ka mid ah Wasaaradda gaashaandhigga ee Dalka Masar, kuwaasi oo ka mid aha Jamaal Xigaasi iyo Xubno ka socday Wasaaradda Horumarinta iyo Iskaashiga.

Intii kulamadaasi socdeen waxa la isku afgartay in labada Waddan ee Somaliland iyo Masar ay iska kaashadaan Waxbarashada, Caafimaadka iyo horumarinta dhaqaalaha.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland, ayaa waxa kale oo lagu sheegay in heshis is-afgarad ay labada Dawladood kala saxeexan doonaan inta weftiga Somaliland ku sugan yihiin Qaahira.

 

HCTV News Desk