Itoobiya Oo Sheegtay In Toddobaadkan War-bixin Laga Soo Saarayo Diyaaraddii Burburtay

Addis Ababa (HCTV) – War-bixintii u horreysay ayaa la filayaa in Toddobaadkan laga soo saaro Burburka diyaarad Horraantii bishan ku dhacday Dalka Itoobiya.

Wasiirka Gaadiidka Itoobiya ayaa Salaasada Maanta Warbaahinta u sheegay in Shirkadda Boeing isku diyaarisay inay Toddobaadkan soo saarto war-bixin hor-dhaca ah oo Shirkaddu ku iftiiminayso sababta ay u malaynayso inay keentay inay dhacdo diyaaraddii 737 MAX-8 oo ay lahayd Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines.

War-bixintan laga soo saarayo diyaaraddii dhacday 10-kii bishan March, 2019, ayaa waxa si samir lahayn u sugaya Qoysaskii dhibbanayaashii diyaaraddaasi ku dhintay oo tiradoodu ahayd 157.

Dhanka kale, Shirkadda Boeing ayaa doonaysa inay tababbaro dheeraad ah siiso dadka ka shaqeeya diyaaradaha 737 Max-8 iyo inay dib u habayn ku samayso Qalabka ku rakiban diyaaradaha noocaas ah, kaasi oo la tuhunsan yahay inuu qayb ka ahaa sababaha diyaaraddu u dhacday, sida uu sheegay Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya.

Qalabka diyaaradaha noocaas ku rakiban ee Boeing doonayso inay sii wanaajiso ayaa ah meelaha ay saaran tahay diiradda baadhayaasha Caalamiga ah ee eegaya sababtii keentay inay burburto diyaaraddii Ethiopian Airlines oo ay ku dhinteen 157 iyo diyaarad taa la mid ahayd oo sannadkii hore ku dhacday Dalka Indonesia isla-markaana ay ku dhinteen 346 Qof.

 

HCTV News Desk