Macalin Ku Guulaystay ($1m) Abaal-Marinta Macalinka Adduunka 2019

Dubai, (HCTV) – Macalin dhiga maadooyinka Xisaabta iyo physics oo tirsan Dugsi Sare oo ku yaala dhulka ee Rift Valley ee dalka Kenya ayaa ku guulaystay abaalmarinta Macalinka Aduunka ee sanadka 2019-ka oo dhan $1 Milyan oo dollar, sida ay xaqiijiyeen kuwii soo abaabulay.

Macalinkan abaalmarinta ku guulaystay ayaa la sheegay in boqolkiiba 80 mushaharkiisa uu ku taageeri jiray ardayda saboolka ah, waxaana Abaalmarinta Macalinka Aduunka lagu gudoonsiiyey magaalada Dubai, munaasibad uu marti galiyey Xidiga Hollywood ee Hugh Jackman.

“Maalin Kasta Afrika way u furmaya oo ay u wareegaysaa bogg cusub……..Abaalmarintani aniga ima cadaynayso ee waxay Ictraafaysaa jiilka qaaradan weyn ee Afrika iyo dadkeeda. Aniga uunbaa halkan ku sugane sababtu waxay tahay waxa ay gaadheen ardaydaydu,” ayuu yidhi Macalin Tabichi, waxaanu intaasi ku daray “Abaalmarintani waxay iyaga siinaysaa fursad. Waxay aduunka u sheegaysaa inay samayn karaan wax kasta,”

Ururka Xaruntiisu tahay Dubai- ee Varkey Foundation, oo ah ururka munaasibadan qabtay ee bixiyey abaalmarinta markii shanaad ayaa Macalin Tabichi ku amaanay sida hagar la’aanta, shaqada adayga ah ee uu u rumaysan yahay in ardaydiisu noqoto kuwo ifaya oo hibo sare leh.

Sidalagu sheegay war-murtiyeed ay soo saareen ururkaasi, “Waxa uu hormood u noqday dugsigiisa dhaqaaluhu ku yar yahay eek u yaala dhulka fog ee miyiga dalka Kenya inuu indhaha ku soo jeedimiyo markii dugsigaasi kaalinta sare uu ka galay tartanka Sayniska ku saabsan oo dalka Kenya ka dhacay.

Macalin Tabichi, ayay da’diisu tahay 36, waxaanu wax ka dhiga dugsiga sare ee Keriko Mixed Day Secondary School oo ku yaala magaalada Pwani, ee dhulka miyiga ah, ee Rift Valley, halkaas oo abaarta iyo macaluushu ay ku soo noqnoqoto.

Waxaana ku dhawaad boqolkiiba 95 ardayda dugsiyadu, ay ka yimaadaan qoysas sabool ah.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa fariin muuqaal ah oo uu iska duubay ku hambalyeeyey macalin Tabichi isagoo leh “Sheekadaadu waa sheekada ugu saraysa afrika, waxaanay dhalinta qaarada ay ku dhiirigalinaysaa hal abuurnimo iyo hibo wanaagsan inay yeeshaan”. Ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Kenya.

Axmed Cali Cige,

HORN CABLE TV.