Faahfaahin: Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxa Ka Dhacay Muqdisho Iyo Wararkii U Dambeeyay

Muqdisho (HCTV) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Qaraxan oo ahaa mid lagu soo xidhay Gaadhi nooca Raaxada ah, ayaa la sheegay inuu ka dhacay Isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo ah meel aad u mashquul badan oo ay Gaadiidka Dadweynaha ka raacaan Ardaydu.

Qaraxa ayaa waxa ku dhintay Nin waday gaadhiga Qaraxa lagu soo xidhay, waxaana dhaawacyo soo gaadheen Dad saarnaa Gaadhi nooca Dadweynaha qaada ah oo halkaa marayey markii Qaraxu dhacay.

Illaa hadda ma jirto, Cid sheegatay Masuuliyadda Qaraxan, balse wuxuu ku soo beegmaya Maalmo ka dib, Qaraxyo badan oo kooxda Al-shabaab ka fulisay Magaalada Muqdisho.

 

HORN CABLE TV