Daruuro ka Curtay Deegaano Ka Tirsan Somaliland.

Xogaha nagasoo gaadhaya deegaano ka tirsan Gobolka Sool iyo degmada buuhoodle ayaa sheegay  Roobab biyo dhigeen meelo ay ka  mid yihiin  Qorilay, oo ka tirsan gobolka sool iyo deegaano hoos yimaada degmada Buuhoodle.

Daruuraha ka Curtay deegaanadaasi ayaa kusoo beegmaya iyadoo Abaar kulul iyo biyo la’aan lagasoo sheegay deegaanada gobolka Sool iyo Sanaag.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in Biyo la’aan baahsan ay ka jirto guud ahaan Somaliland gaar ahaan Gobolada Bariga oo u baahan in gurmad lala gaadho

Image may contain: sky and outdoorImage may contain: outdoor and nature