Dawladda Soomaaliya oo Muujisay Mawqifkeeda Buuraha Goolan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaah Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu muujiyay Mawqifka dawladda Federaalku ka Taagan tahay  Buuraha Goolah, ee Israaiil ka haysato Suuriya, buurahaasi oo madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump shalay u Aqoonsaday  Israaiil inay leedahay.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arr. dibedda Soomaaliya aya u dhignaa Sidan:-

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa mowqifkeeda sugan oo ah in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saarray, waxa ayna si waafi ah u sheegaysaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa’iil ee buurralayda Golan uu yahay go’aan laalan oo baadhil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida.

Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul.

 

DHAMMAAD 

No photo description available.