Saudi Arabia Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Go’aanka Maraykanku Golan Heights Ku Raaciyey Israel

JEDDAH, (HCTV) – Dalka Saudi Arabia ayaa ka mid noqday dalalka Carabta ee gaashaanka ku dhuftay go’aanka dalka Maraykanku uu Israel ugu aqoonsaday Qabsashada Buuralayda Golan Heights.

Waxaanu Dalka Sucuudigu uu sheegay in la jabiyey shuruucda iyo heshiiskii Caalamiga ahaa ee tobonaanka sano soo jiray.

Dhawaaqan dalka Sucuudiga ka soo yeedhay ayaa ku soo beegmaya kadib markii shalay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump uu saxeexay dhawaaqa Aqalka Cad ee dalka Israel loogu aqoonsaday in la Raaciyo Golan Heights oo ay dalka Suuriya ka qabsatay 1967.

Waxa lagu sheegay War ka soo baxay Dawlada Sucuudiga in dalka Sucuudigu gabi ahaanba diidan yahay go’aanka iyo ku dhawaaqista halka ay ku yaalaan Buuralayda Golan Heights oo ah dhul laga qabsaday Carabta Suuriya, isla markaana ay qeexayaan Qaraaradii Caalamiga ahaa ee ku saabsanaa arintaasi, sida ay ku warantay Wakaalada Wararka ee Saudi Press Agency (SPA).

Dalalka Bahrain, Kuwait, Imaaraadka Carabta ayaa iyaguna soo saaray War-saxaafadeedo rasmi ah oo ay ku muujinayaan dareena ay ku diidan yihiin Dhawaaqa Maraykanka ee Buuraha Golan Heights.

Ururka Wadashaqaynta dalalka Islaamka ayaa sidoo kale Cambaareeyey go’aanka Trump, waxaanay sheegeen in aanay waxba ka badalayn sharci nimada in buurahaasi Golan ay yihiin dhul Carab iyo Suuriyaan, marka loo eego Qaanuunka Caalamka.

Dhawaaqa uu sameeyey dalka Maraykankuna uu si cad u jabinayo Axdiga Qaramada Midoobay iyo Qawaaniinta Caalamiga, sida ay baahisay Wakaaladu.

Go’aanka dalka Maraykanku waxa uu ka hor imanayaa qaraarkii Golaha Amaanka ee tirsigoodu ahaa 242 of 1967 iyo 497 of 1981, waxaanay faragalintani uga sii daraysaa hanaankii nabada ee Bariga Dhexe, iyo sidoo kale amaanka iyo degenaanshah agobolka.

Sucuudi Carabiya waxa ay ku baaqday in dhamaan dhinacyadu ay diidan go’aankan ka hor minaya dhamaan heshiisyadii Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale Xoghayaha Guud ee ururka Jimciyada Carabta, Axmed Aboul Gheit ayaa sheegay in go’aankaasi aanu badalayn halka dhulku dhaco iyo sidoo kale in xoog lagu qabsadayba.

Dawlada Suuriyana waxa ay go’aankaasi ku sheegtay in si cad weerar loogu soo qaaday Madaxbanaanideeda, sida uu sheegay Wasiirka Arimaha dibada dalkaasi Suuriya.

Madaxa Mucaaridka Nasr Al-Hariri ayaa isaguna dhiniciisa sheegay in go’aanka taraam uu keeni doono degenaansho la’aan iyo dagaalo, saamayn xunka uu ku yeelan doono dedaaladii lagu nabadaynayey gobolka.

Lebanon waxay tidhi waa faragalin lagu sameeyey qawaaniinta caalamka oo curyaaminaya dhamaan wax kasta oo nabad lagu gaadhi lahaa.

Madaxweynaha dalka Iran President Hassan Rouhani isaguna waxa uu cambaarayn dusha uga tuurayba Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump aqoonsiga Golan Heights uu ku sheegay inay qayb ka yihiin Israel.

Axmed Cali Cige,

HORN CABLE TV.