Qaylo-dhaan Ka Soo Yeedhay Gobolka Saaxil Ee Somaliland

Mandheera (HCTV) –  In ka badan kun Qoys oo ka mid ah Dadkii ku caydhoobay Abaarihii Somaliland soo maray isla-markaana xilligan iskugu yimid degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil, ayaa qaylo-dhaan u dirsaday Xukuumadda iyo Maamulka Gobolka Saaxil.

Qoysaskan Barakacayaasha ah oo ku nool Guryo yaryar oo ka samaysan baco iyo Karaatoon ay isku toltoleen, haystaana duruufo nololeed oo aad u adag, ayaa Xukuumadda Somaliland ka codsaday inay gurmad deg-deg ah gaadhsiiso.

Hooyooyin ka mid ah Barakacayaasha Gobolka Saaxil oo la hadlay Telefiishanka HCTV ayaa waxa hadalladooda ka mid ahaa “Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Xildhibaannadu way arkeen baylahdayada, way arkeen hoy la’aantayada ah, way arkeen jileecayaga, laakiin way na hagradeen.” Ayay tidhi Hooyo ka mid ah hooyooyinka Dadka Barakacayaasha ku dhaqan Degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil, waxayna intaa ku dartay “Miyaa la naga maarmay Cod iyo Cagba, miyaanaan Dadka Gobolka ka mid ahayn..”

Hooyo kale oo halkaa ka hadashay ayaa sheegtay inay codsi ay u dirsanayaan Xildhibaannadii Goleyaasha Wakiillada iyo Degaannada, waxayna tidhi “Carruurtayadii waxa ku dhacay Caafimaad-darro, sababtoo ah ma lihin Suuliyeyaal, Raashin la’aan baa jirta..”

HORN CABLE TV