Baaqyada Loo Jeedinayo Madaxweynaha Algeria Inuu Iscasilo Oo Kordhaya

Algiers, (HCTV) – Is-bahaysiga xisbiga hogaamiya dalka Algeria ayaa ku baaqay inuu iscasilo madaxweynaha dalkaasi Cabdicasiis Bouteflika kadib markii Taliyaha Ciidamada dalkaasi uu dalbaday inuu ku dhawaaqo Madaxweynuhu inaanu sii wadi karin shaqada xafiiska xaaladd caafimaad awgeed.

War-murtiyeed uu saxeexay Axmed Auyahia oo ka tirsan xisbiga the National Rally for Democracy (RND), horena looga eryey xilka Raysal Wasaare-nimo, ayaa sidaasi sheegay maanta, waxaanu ku talo bixiyey in Madaxweynuhu uu is casilo, isl amarkaana dalku uu si aayar aayar ah uu u galo wakhti ku meelgaadh ah.

Taliyaha Sare ee Ciidamada Milatariga dalka Algeria Lt Gen Axmed Gaid Salax, ayaa khudbad uu telefishanka dalkaasi uu ka jeediyey shalay ku sheegay in Madaxweynaha xilka looga qaado si waafaqsan distoorka maadaama oo hogaaminta dalka aanu usii wadi karin xaalad caafimaad oo haysata awgeed.

“Waa lagama maarmaan, in xal laga qaadho arinta muhiimka ah si looga baxo dhibaatooyinka iyo dalabyada ay xaqa u leeyihiin shacabka dalka Algeria, iyadoo la xushmaynayo Dastuurka lana ilaalinayo madaxbanaanida qaranka,” ayuu yidhi General Salax oo hogaamiyaha ciidamada qalabka sida ee dalka Algeria ah.

Qodobka 102 ee Distoorka dalka Algeria ayaa ogolaanaya golaha distoorigu inay ku dhawaaqaan in Madaxweynuhu uu banayn karo hadii shaqada xafiiska uu u gudan kari waayo xanuun mudo dheer qaata, marka ay Baarlamaanku ka codsadaan inuu ku dhawaaqo inaanu caafimaad qabin.

Madaxweynahan dalka Algeria ee xilka Madaxtinimo u gudan kari la’ xaalad caafimaad ee Bouteflika ayay da’diisu tahay 82, waxaanu wakhti xaadirkan saaran yahay gaadhiga la riixo tan iyo 2013-kii oo uu ku dhuftay xanuunka faaligu, waxaanu mudooyinkii u dambeeyey ku sugnaa dalalka dibada oo uu xaalad caafimaad u joogo.

 

Axmed Cali Cige

Horn Cable TV.