Duuliye Faransiis Ah Oo Diyaaradiisa Uganda Ay Ka Dajiyeen Falastiiniyiini 1976 Oo Geeriyooday

Paris, (HCTV) — Duuliye Faransiis ah oo lagu xasuusto inuu yahay Geesi talaabo uu sameeyey sanadkii 1976 markii la afduubay Diyaaradii uu Duuliyaha ka ahaa ee ee Air France lagu afduubay Garoonka Diyaaradaha Entebbe ee dalka Uganda ayaa ku geeriyooday da’da 95 jir.

Duuliyahan Faransiiska ah oo magaciisa la yidhaahdo Michel Bacos ayaa lagu abaal mariyey Madxafka caanka ee dalka Faransiiska, waxaana lagu xasuustaa go’aankiisii cajiibka ahaa ee ku diiday inuu ka tago Rakaabkii Saarnaa Diyaarada kadib markii diyaarada la afuubay ee ay soo degtay.

Diyaarada uu duuliyaha ka ahaa ninkani ee la afduubay ayaa waxa saarnaa 110 qof waxaana meel Terminalka Garoonka Diyaaradaha u dhow lagu haystay mudo todobaada.

Waxaana Afduubkaasi fuliyey todoba Falastiiniyiin ah ka hor intii Ciidamada Cammandosta Israel aanay ka soo daynin dadkaasi rakaabka ahaa ee afduubka loo haystay.

Maayarka magaalada Nice,  Christian Estrosi ayaa war-qoraal ah oo uu soo saaray ku xaqiijiyey in koonfurta FAransiiska uu ku dhintay Duuliye Bacos.

Hase yeeshee intii Duuliyahan iyo Rakaabkiisa Afduubka loo haystay sanadkii 1976 ayaa koodii wax Afduubtay ee Falastiiniyiintu ay dileen Afar ka mid ah Rakaabkka.

 

Axmed Cali Cige

Horn Cable TV.