Gabar yar oo reer Falastiin ah oo dharbaaxday askari Israa’iili ah oo xabsiga laga sii daayay

Cahid Tamiimi oo ah gabar yar oo reer Falastiin ayaa xabsiga laga sii daayay kaddib markii 8 bilood ay ku xirnayd halkaasi, waxaana la xiray kaddib markii dharbaaxo iyo laad ay ku dhufatay askari Israa’iil agagaarka dhulka lahaysto ee Daanta galbeed.

Cahid Tamimi ayaa sannadkii hore kasoo muuqatay muuqaal ay kula doodaysa askari Israa’iili ah sannadkii tagey kaaso baraha bulshada si wayn ugu faafay.

Mas’uuliyiinta xabsiyada Israa’iil waxay sheegeen in Cahid ay xoriyaddeeda dib u heshay, haddana ay ku wajahantahay gurigooda oo ku yaalla deegaanka Nabi Saalax ee Daanta Galbeed.

Waxay jirtaa da’da 17 jir ah, waxay qiratay afar dacwadood oo lagu soo oogay bishii Marso oo la sheegay inay weerar gaysatay.

Cahid Tamimi waxaa 15-kii bishii Disembar ee sannadkii 2017-ka muuqal ka duubtay hooyadeed Nariman, xilli ay hor taagnaayd ciidamada Israa’iil oo ay ku qaylinaysay.

Baraha bulshada ayaa si wayn loogu baahiyay muuqaalka oo muujinayay iyadoo laad iyo darbaaxo ku dhufanaysa askari Israa’iili ah islamarkaasna u goodinaysa.

Falastiiniyiinta waxay u arkeen Cahid inay tahay geesiyad iska caabinayso dhul qabsiga Israa’iil balse Israa’iliyiinta waxay u arkeen shacbiyad qalalaase lagu kicinaya.

Cahid Tamimi waxay dhagaysiga dacwadeeda ka sheegtay inay weerartay ciidamada sababta ay arrintaasi u samaysay ay ku sheegtay inay aragtay ciidamada oo xabadaha cinjirka ah madaxa kaga dhufanaya wiil yar oo ay qaraabo dhaw yihiin maalinkii ay arrintaasi samaynaysay.

Miltariga Israa’iil waxay sheegeen in loo diray guriga Tamim halkaaso ay dhalinyaro reer Falastiin ah ay dhagaxaan uga soo tuurayeen ciidamada .