“Tahriibku Waa Cudur Sida Durayga Oo Kale Ugu Dhaca Qofka Bani’aadamka Ah” Marwo Hoodo, Hay’adda Barakacayaasha Somaliland

Hargeysa, (HCTV) – Ururka Haweenka ee VOSOMWO ayaa kulan lagaga hadlayey Dhibaatada uu Tahriibku leeyahay waxa uu u qabtay hablo dhalinyaro ah oo iskaga kala yimid xaafadaha magaalada Hargeysa, kuwaas oo lagula dardaarmay inay ka fogaadaan waxyaalaha ku dhalinkara in maskaxdooda ay gasho Tahriibku.

Kulankan loo qabtay Hablahan oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin ka kala socday dawlada iyo ururka VOSOMWO ayaa ka qabsoomay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa, waxaana ugu horayn kulankaasi ka hadlay Marwo Hibo Maxamuud oo ah Agaasimaha ururkan Haweenka ee VOSOMWO, waxaanay hadalkeeda ku bilawday “Aad baad u mahadsan tihiin maadaama oo aad ka timaadeen dhamaan xaafadaha magaalada Hargeysa oo dhan, kulankeenan waxa aynu uga danleenahay tahriibka, waxaana aynu ognahay in Tahriibku uu yahay Aafo qaran oo maanta saameeyey dhamaan balshadeena da’yarta ah ee usoo kacaya dalka.

Kulankan waxa qaban qaabinaysa anaga oo ah Ururka VOSOMWO oo ah urur maxaliya oo ka shaqeeya arimaha bulshada gaar ahaana arimaha dumarka iyo hablaha dhalinyarta ah, waxa kale oo Fun-garaynaysa dalada Sixa oo ah dalad ay ururo tiro badan isugu tageen oo u shaqaysa dhamaan ururada dumarka, markaa sixa aadbay ugu mahadsan yihiin maadaama oo ay nala garab galeen kulankeenan idinkuna aadbaad u mahadsan tihiin, maadaama oo aad ka soo qaybgasheen oo aad na ixtiraamteen oo wakhtigiinana aad noo hurteen, anaguna marwalba ka VOSOMWO ahaan waxaanu u taaganahay oo aanu idinla garab taaganahay inaanu wax idinla qabano, idinkuna aad nala shaqaysaan si aanu wax idiinla qabano si aynu u noqono bulsho hal mid ah oo wada shaqaysa.” Ayay tidhi

Hibo Maxamud agaasimaha ururka.

Sidoo kale Mr Shabac Cabdi Maxamed oo ah Madaxa Cilmibaadhista ee ururkaasi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waad ku mahadsan tihiin dhamaanba ka soo qaybgalayaasha ka soo qaybglaay barnaamijkan hablaha lagaga wacigalinayo arimaha tahriibka, waxaana halkan aanu iska waraysanaynay anaga iyo ururka VOSOMWO iyo habalaha halkan jooga oo qaar badan oo ka mid ahi ay Tahriib galeen. Markaa siday dad badani isla qaateen Tahriibku waa aafo qaran oo saamaysay Somaliland oo kaliya maahee wadamada Afirka oo dhan iyo qaybo ka mid ah qaarada Asia iyo qaybo ka mid ah wadamada Latin America, markaa ha moodin in inaga oo kaliyii aynu tahriibno.

Waynu ognahay in dhalinyaro badan ay Tahriibto maxaa aynu Hablaha oo kaliya usoo xulanay, dal waliba Hablaha si gaar ah ayuu u ilaashadaa waa warshad gaar ah, Waa wax soo saar gaar ah, dal kastaa uu ku faano Hablihiisa, markaa anagu waxaani si gaar ah awooda u saaraynaa hablaha Somaliland si aynu meesha uga saarno fikarada ah in la tahriibo.” Ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey Shabac Cabdi Maxamed.

Dhinaca kale Hoodo oo ka socotay hay’adda barakacayaasha Somaliland oo iyaduna ka warantay xaalada Tahriibka dhalinyarada iyo heerka uu marayo Tahriibku ayaa waxa ay tidhi “Aniga oo ka socda Hay’adda Barakacayaasha Qaranka Somalialnd, Waxa hay’adda Barakacayaasha ka mid ah waax dhan oo xoog uga shaqaysaa arimaha Tahriibka, taas oo anaga dhan walba naga saamaysa, inamada ha noqoto ama hablaha, cidii tahriibaysana ama na dhexmaraysana anagu aanu kolay xogogaal u nahay, cida soo noqonaysa ee dhalinyarteenana aanu xogogaal u nahay.

Sideedaba Tahriibku waa aafo qaran, waana cudur qofka Bani’aadamka ah sida uu duraygu ugu dhaco ugu dhaca, qof kasta oo bani’aadam ahi, maalinta uu niyada galiyo inuu tahriibo, wuu tahriibaa ama fikir qof kale ha ku arko ama cid kale ha ku guubaabiso ama isaga laftigiisa ha ka yimaado ama dhaqaale daro ha sababtee, sababtoo ah waxa keenaa waa cudurkaa qofka bani’aadamka ah qalbigiisa hal mar gala, waa jirta dad badan oo inta badan ina soo dhex mara oo tahriibayaal ah, kuwaas oo aan kuu sheegi karin yoolkoodu halka uu yahay, way soconayaan waxa ku jira hablo yaryar, waxa ku jira inamo yaryar waxaad arkaysaa iyagoo socda Buurta sheikh oo aan garayn inay libaaxyo joogaan iyo in kale” ayay tidhi Marwo Hoodo oo ka socota.

 

HCTV News Desk