Saudi Arabia Oo Loo Ogolaaday Samaysashada Quwada Nuclear-ka

Washington, (HCTV) – Xoghayaha Tamarka dalka Maraykanka Rick Perry ayaa meel mariyey ogolaansha lix xarumood oo qarsoodi ah iyo in shirkaduhu ay ka iibin karaan, kana caawin karaan dalka Sucuudiga Tignoolajiyada awooda Nucelar-ka lagu sameeyo, sida lagu sheegay Document-yo ay heshay Wakaalada Wararka ee Reuters.

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa si qarsoodiya heshiis ula galay dalka Sucuudiga, kaas oo dhigaya in dalka Maraykanku uu la wadaago Sucuudi Carabiya Tignoolajiyada Quwada Nucelarka ee dalka Maraykanka.

Xoghayaha Tamartu waxa uu meel mariyey, ogolaanshan oo ka kooban 810 qaybood, iyo in shirkadu ay si kumeel gaadh ah ugala shaqayn karaan casriyeynta iyo horumarinta quwada nuclear-ka dalkaasi, isla markaana ay heshiisyo la gali karaan balse heshiiska waxaan ku jirin in qalab lagu daabulo Maraakiib oo la geeyo goobaha dalka Sucuudigu uu ku horumarinayo Nuclearka.

Ogolaanshan dhexmaray dalka Maraykanka iyo Dalka Sucuudi Arabiya ayaa markii koowaad waxa baahisay Warbaahinta the Daily Beast.

Si kastaba ha ahaatee Waaxda Maamusha Amaanka Tamarta Nuclearka dalka Maraykanka ee (NNSA) ayaa documents-ka ku sheegay in shirkaduhu ay ka codsadeen maamulka Taram inuu ilaaliyo xogta heshiisku inaanay bixin.

Axmed Cige

HORN CABLE TV.