Golaha Amaanka Ee QM Oo Ka Arinsanaya Go’aanka Maraykanku Golan Heights Ku Raaciyey Israel

United Nations, (HCTV) – Golaha Amaanka ee Jimciyada Quruumaha ka dhacaysa ayaa kulan ka yeeshay Talaabadii Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump uu Israel ugu aqoonsaday dhulka buuraha Golan Hieights ee dalka Suuriya.

Kulankan Golaha Amaanka Ee Qaramada MIdoobay ayaa yimid ka dib markii uu codsi uga yimid dalka Suuriya.

Israel ayaa dhulkan buuralayda ee Golan Heights ka qabsatay dalka Suuriya sanadkii 1967, waxaana Golaha Amaanku uu marar badan ku dhawaaqay in laga fogaado wax kasta oo keenaya dagaal isla markaana aan lagu xadgudbin Qaraarada Sharciga.

Sidoo kale 15 dal oo xubno ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa codsaday kulanka Golaha Amaanka, Waxaana dawlada Suuriya ay ku qeexday go’aanka dalka Maraykanka “Xadgudub toos ah” oo ka dhan ah Qaraaradii Golaha Amaanka.

Madaxweyne Trump iyo Raysal Wasaaraha Israel Penjamin Netanyahu oo is garab taagan ayaa magaalada Washington ku kala saxeexday Aqoonsiga dalka Maraykanku uu Israel ugu aqoonsaday in buuraha Golan Heights ay yihiin dhul Israel ay leedahay maalintii isniintii.

Axmed Cige

HORN CABLE TV.