Kenya Oo Dhul Siisay Uganda

Nairobi, (HCTV) – War ka soo baxay Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in dalkiisu uu qorshaynayo in uu mashaariic farabadan uu kala shaqeeyo dalka Kenya.

“Waxaanu isha ku haynaa in aanu ka wadashaqayn mashaariic kale Walaalahayaga dalka Kenya. Tusaale ahaan waxa ay na siiyeen dhul aanu ka dhisano deked Qalalan Naivasha. SGR waa mashruuc aanu ka wadashaqaynayno” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Uganda.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ay ka wada hadleen hogaamiyaha dalka Uganda arimo badan oo ay ka mid yihiin horumarka gobolka iyo wax badan oo faa’iido u leh labada dal.

Dhismaha dekeda Naivasha ay ku yeelanayso dalka ayaa noqon doonta meel ay ku soo dagaan shixnadaha ka yimaada dekeda dalka Kenya ee Mombasa.

Hadaladan ayay labada masuul ka sheegeen markii Madaxweynaha dalka Uganda President Yoweri Museveni uu booqasho ku tagay dalka Kenya, waxaanu Madaxweyne Uhuru oo si qiimo leh u qaabilay dhigiisa dalka Uganda uu sheegay in dhulkaasi ay siinayaan Uganda si hore uu u sii socdo xidhiidhka labada dal ee Kenya-Uganda.

Sidoo kale labada Madaxweyne ee Kenyatta iyo Museveni ayaa isku waafaqay in loo baahan yahay in la balaadhiyo heer jidka Tareenada.

 

Axmed Cige

Horn Cable Tv.