Akhriso: Wareegto Ka Soo Baxday Xafiiska Madaxweyne Biixi

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Haamaha Kaydka Shidaalka u Magacaabay Maareeye ku-xigeen cusub.

Wareegto uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ayuu ku sheegay inuu Maareeye ku-xigeen cusub u Magacaabay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera.

 Wareegtadan oo soo gaadhay HCTV ayaa u qornayd sidan:-

Wareegto Madaxweyne: 28/03/2019

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-278/032019​, ku magacaabay​ Maareeye ku xigeenka Haamaha Keydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: ​ Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey:  ​Ahmiyadda ay Haamaha Kaydka Shidaalku u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay:​  Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay:​  In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: ​ La-tashi;

Waxaan Go’aansaday: In Mudane, Carfaan Xaamud Cabdoo, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku Xigeenka Haamaha Kaydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland…”

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland