Qarax Muqdisho ka Dhacay oo Dilay 11 Ruux

Waxaa la xaqiijiyay in 12 Ruux ay ku dhintay ku dhawaad 20 kalana way ku dhaawacmeen qaraxii ka dhacay banaanka maqaayad ku taalla meel ku dhaw Hoteelka Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Gaadiidka Gurmadka Deg dega ah ayaa goobta gaadhay kuwaasi oo goobaha caafimaadka u qaaday dadkii waxyeeladu Soo Gaadhay.
Durba olole nadaafadeed ayaa ka bilowday goobta uu qaraxa ka dhacay, oo uu ka muuqday  burbur xoogan.
Xiliga uu qaraxu dhacay waxaa xirnaa qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho.
4 cisho ka hor ayay ahayd markii Al-shabaab Qarax ismiidaamin ah ku qaadeen Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya oo ay ku dhinteen 15 Ruux oo uu ku jiray Wasiir ku xigeenkii Wasaaraddaasi, Shaqar Saqar Ibraahim Cabdalla, oo sidoo kale ka tirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya.
 

#HCTV #