Boobe Siduu U Arkaa Hadalkii Farmaajo Ku Sheegay Inuu Ka Garaabayo Tabashada Reer Somaliland ?

Hargeysa (HCTV) – Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa Ururkii SNM ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo).

Madaxweynaha Soomaaliya, Md. Farmaajo oo Shalay khudbad ka jeediyey furitaanka Kalfadhigii Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka garaabaan  Waxyaabaha reer Somaliland ka tabanayaan, si buu yidhi loo ilaaliyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed, laakiin Boobe Yuusuf Ducaale oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in hadalka Madaxweyne Farmaajo ahayn wax cusub, sidaasi darteedna xilligan labada dhinac, Somaliland iyo Soomaaliya kala calaf qaadeen, loona baahan yahay in Cid walba halkeeda isku maamusho.

Mujaahid Boobe oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Maxamed Cabdillaahi Farmaajo wuxuu si sal ka xaadis ah u yidhi, waanu idin jecellahay, Midnimada Soomaaliyeedna waa loo baahan yahay ayuu yidhi iyo hadallo uu raaciyey oo ahaa wixii Tabasho ah ee aad qabtaan diyaar baanu ahay inaanu idinka guddoono oo aanu idinka aqbalno. Maaha markii u horreysay ee aan maqlayo wixii tabasho ah, Nin ka hadlayey Xafiiska Raysal-wasaaruhu isaguna sidaas ayuu lahaa iyo walaalahayo ayaad tihiin iyo wixii tabasho ah waanu idinka aqbalaynaa…”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta ee Somaliland, Boobe Yuusuf Ducaale wuxuu sheegay in Ciddii reer Somaliland ka cawdeen ahaa Nidaamka Maxamed Siyaad Barre “Nidaamka Maxamed Siyaad Barre waa laga cawday, waxbaa laga tawday, wuu maqli waayay, nidar iyo axdi baa la galay, Madfac baa dhegaha la iskugu furay, nidaamkaasina wuu dhamaaday, waana la kala calaf qaaday oo waalla guulaystay, Maantana Annaga ayaa Hargeysa joogna..”ayuu yidhi.

 

 HORN CABLE TV