Madaxweynaha Somailand Oo Xilkii Ka Qaaday Taliyihii Ciidamada Asluubta

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaaday Taliyihii Ciidamada Asluubta Somaliland, Maxamed Cismaan Xudhuun.

Waxaanu Madaxweyne Biixi uu digreetadan ku sheegay inuu xilka Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliland u magacaabay Sareeye Guuto, Axmed Cawaale Yuusuf inuu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidamada Asluubta

Sidoo kale Madaxweyne Muuse waxa uu Taliyihii hore uga mahadnaqay mudadii uu soo hayey xilka Taliyaha Ciidamada Asluubta iyo dedaalkii uu sameeyey.

Digreetada Madaxweynaha Somaliland uu soo saaray maanta ayaa u dhignayd sidan:-