Wararkii U Dambeeyay Weerar Lagu Qaaday Masaajid Ku Yaalla London

London (HCTV)  – Nin Toorey ku hubaysan ayaa weerarray Masaajid ku yaalla Badhtamaha Magaalada London, Subaxdii hore ee Jimcaha Maanta.

Nin Weerarka qaaday ayaa ka sheegay inuu dhaawacay Nin dhallinyaro ah, laakiin Ninkaasi ayaa dhaawaca mar dambe u dhintay, sida laga soo xigtay Ciidammada Booliska oo halkaa gaadhay markii falkani dhacay.

Masaajidka la weerarray oo ku yaalla meesha Magaceedu yahay Reben Park, ayaa wax aka arkayey diyaaradaha Helikoptaro ah oo dul heehaabaya isla-markaana doonaya inay qabtaan Ninka Weerarka geystay oo halkaaka baxsaday.

Illaa hadda lama oga in la qabtay Ninka weerarka geystay iyo Cid kale oo lala xidhiiidhiyey midna.

Sidoo kale, waxaan xog rasmi ah laga haynin Ninka Weerarka geystay Dalka uu u dhashay, Da’diisa iyo Ujeeddado Argagixiso inuu weerarka u geystay iyo in kale, waxaana muuqata in Warbaahinta reer Galbeedu Warkan hoos u dhigayaan.

Horn Cable Tv wuxuu idiin soo gudbinayaa wixii ku soo weerarkan oo ku soo beegmaya Laba Toddobaad ka dib, Weerarka kontonka qof ku dhinteen ee ka dhacay Magaalada Christchurch ee Dalka Newsealand.

 

Horn Cable Tv