“Maalin Walba Meheradaa Xidhma, Xukuumadduna Macaashal-macaash-bay Radinaysaa..” Sh. Aadan-Siiro

Hargeysa (HCTV) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay culaysyada nololeed ee haysta Bulshada Somaliland iyo Cashuuro Xukuumaddu kordhisay.

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay in Xukuumadda haysa Talada Somaliland ay saddex jeer kordhisay Cashuurta, iyadoo muddadii ay xilka haysay xidhmeen Meherado badan oo is bixin waayay, markii Xaaladda Dhaqaale ee Dalku cidhiidhiga gashay.

Sheekha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waxaan ka hadli doonaa Axwaasha Dadka Muslimiinta ah ee Jilicsan, Khudbaddana waxaan ka sameeyay markii Xukuumaddu hadashay ee ay tidhi Dadka waxaanu ka doonaynaa Macaashal-macaash, iyadoo ogaalkayga intii Xukuumadda cusub joogto Maalin walba intaas oo Meheradood baa la xidhay, annagu Shan Cisho ka hor waxaanu xidhnay Meherad aanu 65 kun dollar gelinay, waxa ka shaqaynayey 17 Qof oo ay 17 Qoys biiliya, inamada qaarna ay 5 boqol dollar qaadanayeen, ka ugu yarna uu qaadanayey 150 dollar (Mushahar ahaan). Dhibaato nagumay haynin Annaga in Meheraddu sii shaqayso hadday is bixinayso, si ay ugu noolaadaan Muslimiintaa aan meel kale deg-deg shaqo uga helaynin, laakiin markii khasaarihii uu batay waxay noqotay inaanu Albaabadda u xidhno.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo khudbaddiisa sii wadaa wuxuu ka hadlay Cashuur Macaashal-macaash ah oo uu sheegay in Xukuumaddu xilligan ururrinayso “Waxaan aad ula yaabanahay Xukuumadda oo ka sheekaynaysa sidii boqorraddii Ingiriiska ee aragtay Dad Kuyuu ugu jira Roodhida ee tidhi keegga miyey cunaan, waxay u haysataa in Keegga Gurigeeda yaalla inay Dadku wada haystaan, Maalin walba intaas oo meheradood baa xidhmaya, Xukuumaddiina Macaashal-macaash (bay raadinaysaa), iyadoo Suuqyada ku soo deysay Carruur Albaab walba garaacaya, maaha Ardiyaddii aynu naqaanay ee waa Macaashal-macaash ayaa laga hadlayaa oo lagu waydiinayaa, dareenka caynkaas ah ayaan khudbaddan ka sameeyay, waxaanan doonayaa inaan Hoga-tusaaleeyo kuwa wata Laankuruusallada Cad-cad, kumaankunka ee dollar-na ay salladdoodu tahay ee Caqligooda ugu Talinaya Dadkaa jilicsan ee soo ootay, iyadoo ishii keli ahayd ee ay lahaayeen oo Dekedda Berbera ahaydna iyadoon midh Jaajuur ah la saarin marba ay Cashuurta kordhinayaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xukuumadda joogtaa Saddex goor bay Cashuurta kordhisay, iyadoon Hal mashruuc oo la taabto oo Dadku ka shaqeeyaan aan samaynin.”

Sheekhu wuxuu ka warramay go’aan uu qaatay Cumar Binu Khaddaab markii uu Muslimiinta hoggaaminayey “Wakhtigii Cumar Binu Khaddaab, Abaar baa ku dhacday Dadka, wuxuu Cumar gartay inaan Sannadkaa Dadka laga qaadin Zakada, waxaanu yidhi Sannadkan joojiya Zakada Dadkii baa bakhtiyayee, markaa maxaa Cashuurta Macaashal-macaash (laga raadin)? Maxaa la macaashi way soo wada oodataye, imisa Meheradood baa xidhmay Somaliland intaad Meesha haysateen ?, ma diwaangeliseen intaad maalin walba digreetooyin iyo Waraaqo aan Caqli iyo Cilmi ku salaysnayn iska soo qoraysaan..”?ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu iswaydiiyey waxa Xukuumadda talada haysaa ku faani karto ee ay qabatay “Xukuumadda Maanta faanaysaa maxay u kordhinaysa Ciidammada bakhtiyaya ee min Tobanka Carruurta ah (Leh) ee 70-ka dollar qaata ? maxay ku faani kartaa Xukuumadda Maanta jirtaa? Meheradihii baa xidhmay, markaasaa Macaashal-macaash laga hadlayaa, waa Riyo..”

Sheekhu wuxuu tilmaamay in kala-saraynta nololeed ee Bulshada Somaliland aanay hore u gaadhin halka ay Maanta gaadhay “Halkan baan ku dhashay, Da’daas baan ku leekaaday, dabaqadaha Maanta ka dhex jira Bulshadu hore umay dhicin ee weliba Xukuumadaha jiraa sameeyeen, markaa Xukuumadda waxaanu leenahay Waar waxaad soo saaraysaan intaydaan soo saarin deraasad ku sameeya (Xaaladda Nololeed ee Bulshada),  Nabadgalyadu ma shaqaynayso haddii Dadku baahdaan ayaan leeyahay kuwa meesha haysta, waxaanu leenahay dhaqaalaha hala furfuro, talada aad isku koobaysaana ka daaya.”ayuu yidhi.

 

HORN CABLE TV