UCID Oo Ka Hadlay Muddo-xilkeedkii Goleyaasha Degaannada Oo Maanta Ku Eg

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa sheegay in Goleyaasha degaannada ee Somaliland ku fadhiyaan Sharci-darro.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Muddo-xileedkii Goleyaasha degaannada Somaliland uu Maanta ku eg-yahay, sidaa darteedna aanay sharci ahayn waxa ka soo baxa Goleyaashaasi.

Mr. Ramaax oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Xisbiga UCID ee Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Goleyaasha degaanka Maanta laga bilaabo wax sharci ah oo ay ku fadhiyaan ma jirto (Maaddaama oo muddo-xileedkoodii dhammaaday), wax kasta oo Dawladda hoose ka soo baxaa waa xaaraan ayaanu leenahay…”

Mr. Ramaax wuxuu sheegay in Madaxweynaha laga sugayo inuu waajibaadyada Dawladaha hoose cid u wakiisho, maaddaama oo muddo-xileedkii ka dhamaaday Goleyaasha degaannada “Madaxweyne waxaa lagaa sugayey in qoraal kaa soo baxo oo aad cid ku idmato (waajibaadyada Dawladaha hoose)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Madaxweyne waxaanu ku leenahay Xukuumaddaadu ha u soo noqoto Sharciga dalka u yaalla..”

 

Horn Cable Tv