Gudoomiyaha Bangiga Somaliland Oo Ka Hadlay Jaangoynta Sarifka Iyo Hoos U Dhac Ku Yimid Dollar-ka

Hargeysa, (HCTV) – Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland, Cali Ibraahim Jaamac (Baqaadi) ayaa ka hadlay hoos u dhac ku yimid lacagta dollar-ka iyo kor u kac ku yimid lacagta Shillinka Somaliland marka la’ isku bedelayo, kaas oo sidoo kale ka waramay sida Bangiga dhexe ee Somaliland uu u jaangooyo isku sarifka lacagta Somaliland iyo lacagta dollar-ka.

Gudoomiyaha Banigaga Dhexe waxa uu sidoo kale ka waramay maraaxilkii kala duwanaa ee ay la soo mareen hoos u dhigida sarif bararka oo mudooyinkii u dambeeyey marna kor u kacayey marna hoos u dhacayey.

Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland waxa uu sidaasi sheegay mar uu maanta qaar ka mid ah Warbaahinta ugu waramayey magaalada Hargeysa, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Shillingka Somaliland marka lagu badalayo dollar, sarifka maanta gacanta hore marka aad dollar sidato waxa uu marayaa halka Dollar (1 dollar), 9,330SLSH ah, halka gacanta dambana marka aad sidato shillinka Somaliland ee aad dollar doonayso uu marayaa 9,400SLSH, halkii dollar-ba (1 dollar.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Markii aanu nimid April Sanadkii hore ee 2018-kii, halka dollar waxa uu ahaa ilaa 11,000SLSH, kolna korbuu u dhaafayey marna hoos ayuu u dhacayey, meel qudhana muu taagnayn oo marna hoos ayuu u dhacayey kun shilling (1,000SLSH), marna kor ayuu u kacayey kun shilling (1,000SLSH, taana waxa sabab u ahaa labada sarifle ee laba gobol kala joogaa isku sarif ayay ahaayeen ismanay ogayn, subixii marka uu soo kaco sarifluhu ee uu soo fadhiisto miiskiisa ka ku xiga ayuu odhanayey waar maanta halkuu marayey sarifku.

Markaa waxaanu samaynay in subax walba 8:30 subaxnimo aanu la hadalno ilaa 30 sarifle oo waaweyn oo gobolada oo dhan jooga, markaa waxaanu waydiinaa sarifka uu ku sarifayo maanta, sarifka ayaanu ka qaadanaa, marka aanu eegno sodonkaa sarifle inta ay ku sarifayaan ayaa waxaanu u samaynaa Average, (Isku celcelis), markaa waxaanu saarnaa sicir dhexe si loo qaato oo lagu kala badasho lacagta, markaa kii Ceerigaabo joogay iyo kii Boorama joogay waxa uu arkayaa maanta sicirka sarifku halka uu joogo.

Markaa dadbaa yidhaahda sarifkii baanka iyo sarifkii suuqu wuu kala duwan yahay, waayo 30 sarifle ayaanu isku celceliskoodii soo saarnay, markaa waa laga yaabaa in marka aad suuqa tagto in mid waliba uu ka yara duwan yahay ka Bangiga, laakiin wax badan kama duwana.

Markaa waxaanu eegnaa Sarifluhu ka uu ku qaadanayo ka uu ku iibinayo (buying and selling rate, Markaa Sariflaha Dhaafa halkii aanu ugu talo galnay ee Average-ka ahaa, fariin ayaanu u dirnaa oo waxa aanu ku nidhaahnaa hoos u dhig.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Ee Somaliland.

HCTV News Desk