Afrika: Madaxweyne Dalkiisa Ka Musuqmaasuqay $ 362 Milyan

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynihii hore ee Dalka Gambia Yaxya Jammeh ayaa lagu eedeeyay inuu Dalkiisa ka xaday Adduun Lacageed oo gaadhaya 362 Milyan oo Dollar.

Sidaana waxa sheegay Wasiirka Cadaaladda ee Dalka Gambia, ka dib laba baadhitaan arrintaa la xidhiidha oo qaatay muddo laba sannadood ah.

Yaxye Jammeh oo dalka Gambia af-gambi ku qabsaday 1994-kii, ayaa xukumayey muddo 22 sannadood ah, laakiin wuxuu dalkaa iskaga baxay 2017-kii markii doorasho dalkaa ka dhacday uu ku guulaystay  Adama Barrow oo hadda ah Madaxxweynaha dalkaasi.

Wasiirka Cadaaladda ee Gambia Abubacarr Tambadou oo Jimcihii shalay Saxaafadda la hadlay ayaa si hor-dhac ah u sheegay War-bixin laga sameeyay Musuqmaasuqa uu dalkaasi ka geystay Madaxweynihii hore Yaxya Jammeh, ka dib baadhitaan ay saameeyeen Komiishan arrintaa loo xil-saaray, kuwaasi oo waraystay Markhaatiyo dhan 253 Qof.

Yaxye Jammeh ayaa ayaa Hantida uu lunsaday ee lagu eedeeyay waxa ka mid ah  281 hanti Ma Guurto ah oo ku yaalla gudaha dalka Gambia, Hanti aan Cadadkeeda laga caddaynin oo uu Dalka dibeddiisa ka samaystay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin dhisamayaal uu ka samaystay dalka Maraykanka, sida laga soo xigtay Wasiirka Cadaaladda Gambia.

Waxa kale oo dalka gudihiisa laga helay Hanti kale oo ka badan 28 Milyan dollar.

Wasiirka Cadaaladda Gambia ma sheegin xilliga la soo bandhigi doono natiijada baadhitaanka lagu sameeyay Musuqmaasuqii uu Dalkaasi ka sameeyay Yaxye Jammeh.

Yaxye Jammeh oo hadda ku nool Dalka Equatorial Guinea.

 

Horn Cable Tv