Madaxweynaha Turkiga Oo Digniin U Diray Kurdishka, Xili Dalkiisu Isku Diyaarinayo Doorashada

Ankara, (HCTV – Xili doorashada golayaasha degaanka dalka Turkiga ay wax yari ka hadhsan yihiin, isla markaana loo dareeri doono goobaha codbixinta si loo soo doorto Maayaro iyo Golayaasha Dawladaha Hoose ee dalkaasi ayuu Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu sheegay inuu xalin doono arinta Suuriya marka ay dhamaato doorashadu.

Hase yeeshee Madaxweynaha dalka Turkigu waxa uu ku qoodiyey in aanu soo bixi doonin musharax xidhiidh la leh kooxaha Argagixisada sida uu hadalka u dhigay, isla markaana aan loo ogolaan doonin inuu kursi ku fadhiisto, taas oo Madaxweynuhu uu ula jeedo kooxaha Kurdishka ah ee PKK iyo YPG ee dega dalkaasi Turkiga.

Waxaana jira in mudooyinkii u dambeeyey xilka laga qaaday Maayaro taabacsan Kurdishka degan dalkaasi, halka boqolaal kale oo Kurdishna xabsiyada loo taxaabay.

Madaxweynaha dalka Turkigu mar uu ka hadlayey isku soo bax balaadhan oo ka dhacay Degmada Kagithane oo ka tirsan Isanbul, ayaa waxa uugu baaqay dadka degan gobolada xadka la leh dalka Suuriya inay ka fogaadaan falal kasta oo keenaya degenaansho la’aan.

Dalka Turkiga ayaa bishii August ee 2016-kii iyo sanadkii 2018-kii bishii January ka bilaabay Xadka Waqooyi ee ay la wadaagaan dalka Siiriya Hawlgalo uu kula dagaalamo kooxaha Kurdishka ah ee PKK, YPG oo ay tilmaameen inay khatar ku yimiin amaanka dalka Turkiga.

HCTV News Desk