Golaha Guurtida Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Shilalka Gaadiidka Oo Kordhay

Hargeysa, (HCTV) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay kalfadhiga 68aad farqadiisa 4aad oo ku saabsanaa ‘Xall u helida Mashaakilka ay Keenaan Shilalka Gaadiidku’, waxaana xildhibaanadaasi kalfadhigaasi doodooda ka dhiibtay ay ka hadleen waxyaalaha inta badan keena shilalka gaadiidka iyo siyaabaha lagu yarayn karo.

Shilalka Gaadiidka oo mudooyinkii u dambeeyey aad ugu soo kordhayey Somaliland, isla markaana keena khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo khasaare hantiyeed ayaa kulankan Golaha Guurtidu ay maanta ku qaadaa dhigeen kalfadhigan ay yeesheen.

Ugu horayn waxa doodaasi aragtidiisa ka dhiibtay Xildhibaan Caydiid Cilmi Maxamed oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland Waxaanu yidhi “Shilalka gaadiidka waxyaalo badan ayaa sabab u ah, wadooyinka googo’ay ayaa ka mid ah, baabuurta oo Jeekin (checking) aan la marin ayaa ka mid ah, waxa kamid ah wadadii oo aan lahayn meel dadku maro ama dadku ay ka talaabaan, baabuurtuna iska taagi mayso, markaa dadweynuhu sidii ay uga talaabi lahaayeen waa in xaqeedii ay helaan.

Maalintii hadaad dhaqaysato warbaahinta (media-ha) waxa laga yaabaa in dhawr iyo toban meelood ay shil ka dhacaan, arintaasi waa arin dhibaato inagu wada haysa, waa arin aafo ah. Gaadhi ayaa shil galaya qof ayuu jiidhayaa oo uu dilayaa, afar qof ayaa inta ay isku timaado ayaa wax la’ kala saxeexanayaa, waar dawladu ciqaab ayay lahaan jirtay, qofku qofbuu dilay, nafbuu gooyay, wuu dhintay, durba waa laga heshiiyey, dawladu waa in ay ciqaab samaysaa.” Ayuu ku dooday xildhibaanku.

Xildhibaan Xildhibaan Jirde Siciid  oo isaguna doodiisa ka dhiibtay kalfadhiga 68aad ee golaha Guurtida ayaa yidhi

“Maanta waxa aynu ka hadlaynaa oo aynu gudo galaynaa kalfadhiga 68aad qodobkiisa 4aad oo ah Xal u helida mashaakilka ay keenaan shilalka Gaadiidku.

Run ahaantii mashaakilka ay keenaan shilalka gaadiidku aadbay u farabadan yihiin marka aan daraasad ku sameeyey, kow, waddo xumo;- wadadii ay baabuurtu mari lahayd oo googo’an, baabuurkii oo caadi u socda oo haadkiisii haysta ayaa haadka kale u gudbaya sidii maskii ayuu gaadhigii u socdaaba, qodobka labaad, waxa jirta in dirawaliinta gaadiidka wadaa ay u badan yihiin dhalinyaro aad da’doodu u yartahay oo aanad is-odhanaynba waa masuul, gaadhiga si ala sida uu doono ayuu u wadayaa, xawli ayuu ku soconayaa isagii oo wadada ay labada baabuur ay isku dhaafayaan aad u yartahay ayuu hadana xoog u soconayaa.

Markaa waa in la cayimo da’da la siinayo liisanka gaadiidka oo ilaa 25 qofka liisanka qaadanaya laga dhigo oo laga badiyo da’da ilaa 15-ka ee uu hada ku qaadanayo liisanka gaadiidka ayaan soo jeedinayaa, waxa kale oo aan soo jeedinayaa in la badalo dhinaca uu isteerinku gaadhiga kaga yaalo, waayo waxay qayb ka qaadanayaan korodhka shilalka gaadiidka ” Ayuu ku dooday xildhibaanku.

Sidoo kale xildhibaan Axmed Dirir oo isaguna doodaasi golaha Guurtida aragtidiisa ka dhiibtay ayaa waxa uu yidhi “Anigu markaa waxa aan soo jeedin lahaa in guddida nabadgalyadu ay soo curiso xeerkii guud ahaan haday noqon lahayd sharciga Waddo Marista, waa run xaga Wasaaradda balse xaga curunta sharciga waxa leh Golaha Guurtida, markaa in xaga toos toosinta sharciga aynu qayb ka qaadano tusaale ahaan Dirawalku da’da uu ku qaadanayo Liisanka wadida gaadhiga, nooca baabuurka uu kaxayn karo.” Ayuu ku dooday xildhibaan Axmed Dirir.

HCTV News Desk