“Waynu Garab Marnaaye Aynu Dastuurka Ku Dhaqano..” Saylici

Hargeysa (HCTV) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka hadlay ahmiyadda  uu Dastuurku u leeyahay Dalka.

Cabdiraxmaan Saylici oo Maanta khudbad ka jeediyey barnaamij Dadweynaha lagu wacyi-gelinayo barashada Dastuurka oo Wasaaradda Dastuurka iyo xidhiidhka Goleyaashu ku daah-furtay Hargeysa, ayaa sheegay inaan indhaha laga lalin Dastuurka oo sidiisa loogu dhaqmo.

Mudane Saylici oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dastuurku waa Hantida keliya ee Qaranka Somaliland haysto Maanta, waa Hantida koowaad ee ugu mudan ee Qaranka Somaliland haysto, waa waxaynu nabad ku nahay ee aynu ku degganahay, loona baahan yahay inaynu dhamaanteen ilaalino..”

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu in Dastuurka Somaliland oo loo codeeyay sannadkii 2001-dii uu yahay ka Somaliland u horseeday ku dhaqanka nidaamka dimuqraadiga ah “Dastuurku waa ka ina dhaafiyey Ummadaha aynu jaarka nahay, Waayo? Dimuqraadiyadda iyo Nabadgalyada Somaliland waxa Sal u ah Dastuurka, markaa Dastuurka sidiisa ha loogu dhaqmo..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaad mooddaa in badan aynu garab marmarno oo aynu indhaha la lalino ee Dastuurka aynu sidiisa ugu dhaqano..”

 

HORN CABLE TV