Somaliland: Ganacsiga Duur-joogta Oo Xaami Noqday Iyo Wasaarada Deegaanka Oo Gacanta Ku Dhigtay 2 Libaax & 11 Harimacad

Hargeysa, (HCTV) – Agaasimaha Waaxda Duur-joogta Somaliland, Naasir Xuseen Siciid iyo Gudoomiye degmada ee Magaalada Hargeysa Xasan Yuusuf ayaa maanta ka warbixiyey hawlgal ay ku soo qabteen duur-joog si sharci daro ah loo qabsaday oo la doonayey in dalka laga dhoofiyo.

Waxaana ay sheegeeneen labadan masuul in deegaanka Alaybaday oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex ay ka soo qabteen laba Libaax oo dhalo ah oo la doonayey in la koontarabaaninayey, sidoo kalena ay xabsiga u taxaabeen ninkii gacanta ku hayey labadaasi Libaax ee dhalaha ah ee lagu soo qabtay.

Sidoo kale Masuuliyiintan Wasaarada Deegaanka Somaliland ayaa sheegay in labadaasi Libaax ee dhalaha ah ay geeyeen goob duurjoogta lagu xanaaneeyo oo Wasaarada Deegaanku ay gacanta ku hayso oo ku taala magaalada Hargeysa.

Ugu horayna Gudoomiyaha Degmada Hargeysa Xasan Yuusuf ayaa ka hadlay hawlgalkaasi ay ku soo qabqabteen labada Libaax ee dhalaha ah, ayaa waxa uu yidhi “Laba Libaax oo yaryar oo dhala ah waa Lab iyo Dhedig, hooyadood waxa dilay ninkan soo qabsaday labadan Libaax.

Halkan ayaanu ka baxnay Lixdii subaxnimo Allaybaday ayaanu tagnay oo uu ku hayey mudo bil ah, waxa uu nagala horyimid dagaal, hase yeeshee, Nasiib wanaag waxa aanu ku guulaysanay soo qabashadooda.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Degmada Hargeysa.

Dhinaca kalena Agaasimaha Waaxda Duurjoogta ee Wasaarada Deegaanka Somaliland Naasir Xuseen Siciid ayaa isna ka hadlay hawlgalkaasi ay duurjoogta ku soo qabteen, waxaanu shacabka reer Somaliland uga digay inay ku kacaan falalka noocaas oo kale ah.

Waxaanu Mr Naasir uu intaasi ku daray in bilihii u dambeeyey ay gacanta ku soo dhigeen in ka badan labaatan Harimacad oo si sharci daro ah loo ugaadhsanayey.

Agaasimaha Waaxda Duurjoogta ee Wasaarada Deegaanka Somaliland isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Wasaarada Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyigu waxay mar walba ka duushaa Xeerka Ilaalinta Deegaanka iyo Duurjoogta, waa kaa aan gacanta ku hayo, Wuxuu u sahlay Wasaarada Degaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga inay la dagaalanto duurjoogta sifaha sharci darada ah loo kala iibsanayo, qodobka 18aad farqadiisa 4aad ee Xeerku waxa uu sheegayaa, Xeerkani waxa uu sidoo kale ciqaabayaa ama uu ganaaxayaa dadka kala dilaala, kuwa ka ganacsada oo in dadku ay kala dilaalaan ama Harimacad ha noqoto ama Libaaxyo ha noqotee meel xun ayay la maraysaa.

Qofkii gacanta ku hayeyna gacanta ayaanu ku soo dhignay oo wuu xidhan yahay sharcigaana la marinayaa.

Waxaan doonayaa inaan la wadaago dadka reer Somaliland in saddexdaa bilood ee ugu dambeeyey ay wasaarada Degaanka iyo horumarinta reer Miyigu gacanta ku dhigtay 11 Harimacad oo sifo sharci daro ah dalka looga saarayey.

Markaa waxa weeyi cid walba oo lug ku leh anagu sharciga ayaanu hor keenaynaa, xeerkaasi ayaana noo fasaxaya. Waxaan halkan fariin uga dirayaa shacbi weynaha Jamhuuriyada Somaliland oo aanu u sheegaynaa in la ilaaliyo duurjoogta.” Ayuu yidhi Agaasimaha Waaxda Duurjoogta ee Wasaarada Degaanka iyo horumarinta Reer Miyaga Somaliland, Naasir Xuseen Siciid.

Si kastaba ha ahaatee dabayaaqadii sanadkii hore ayay ahayd markii Maxkamada gobolka Maroodi Jeex ay xukun saddex sanadood ah ay ku riday rag Koontarabaaninayey Laba Harimacad oo dhalo ah oo la doonayey in laga dhoofiyo dalka.

HCTV News Desk