” Khalad weyn ayaa ku jiray Isku Shaandhayntii Madaxwayne Biixi ” Ambaasadoor Safiina.

Image result for amb safiina

Xoghayaha xidhiidhka carabta iyo arrimaha islaamka ee xisbiga Mucaaradka Waddani, Ambaasadoor Axmed Aadan Dagaal (Safiina) ayaa muujiyay khaladaad uu sheegay inay meel ka dhac ku yihiin hab-raaca diblomaasiyadda ee caalamiga ah oo uu sheegay inuu ku kacay  Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse biixi Cabdi, markii uu shalay soo saaray isku shaandhayn tabatay waaxyaha dawladdiisa.

Mr.Safiina ayaa arrintaasi ka uga Warramay HCTV isagoo ku sugan  Sucuudi carabiya.
isagoo arrintaasi ka hadlayana waxuu yidhi ” khaladka diblomaasiyadeed ee Madaxwaynuhu sameeyay waxaa ka mid ah inuu safiiro dalka ka maqan oo aan kusoo noqonin Caasimadda uu xilka ka qaaday, aduunka lama arag madaxwayne digreeto soo saara oo yidhaahda safiir xilkii waan kaa qaadee tawakal calalaah” ayuu yidhi amb safiina.

Related image

isagoo hadalkiisa sii wata, waxaa uu sharaxay habka Caalamiga ah ee loo maro marka safiir/Wakiil xilka laga qaadayo ” waa in wasaaradda arrimaha dibaddu ay safiirkaasi u yeedho oo ay amarto inuu kusoo noqdo caasimadda, hadii uu soo laaban waayo waa amar diido, dawladda ayay u taalaa waxay yeelayso,kadibna waa in la magcaabo safiirka badalaya

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aanay haboonayn habkii loo badlay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland liibaan yuusuf Gaaxnuug, oo isagoo kasoo laabtay wadanka masar loo badalay wasaaradda caafimaadka isagoon wali la kulmin madaxwayne biixi

khaladka Saddexaad ee uu sameeyay madaxwaynuhu Galay, waa badalaadda wasiir liibaan, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, usbuucii ugu dambeeyay wuxuu ku sugnaa wadanka Masar, xidhiidh qurux badan oo wayn uu ka sameeyay, isagoo aan madaxwaynihiin warbixin u gudbin oo aan wasaaraddii arrimaha dibadda warbixin u gudbin ayaa la badalay, boqol su’aalood ayaa maanta dawladda Masar is waydiinaysaa Dawlad kasta oo arrinkaa fiiro gaar ah ku haysayna ay is waydiinaysaa.
Yaa Cadaadis saaray Madaxwaynaha ?
Dawladee Cadaadis saartay Madaxwaynaha ?
Madaxwaynuhu ma xidhiidhka masar iyo Somaliland ayaanu raali ka hayn ?
Ma Wasiir liibaan ayaa isagoon dawladdiisa la tashan dalkaasi iska tagay ? kun Su’aalood… Madaxwaynuhuna wuxuu ka ogyahay arrintaasi ma jirtee, waa ku kici uun iyo isku shaandhayn beeleed…. ” ayuu yidhi Axmed Aadan Dagaal Safiina oo la hadlay HCTV.

Marka laga tago, dhaliisha ambasadoor safiina u jeediyay madaxwayne biixi, inuu ku gafay hanaanka diblomaasiyadda, iswaydiintu waxay tahay.
Somaliland Miyay Raacdaa Hab-raaca Diblomaasiyadda ee Caalamiga ah ? mise waxay leedahay hab-raac gooni u ah.

 

HORN CABLE TV.