Turkey: Codbixiyeyaasha Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta Iyo Xisbiga Erdogan Oo Caqabado Wajahay

Istanbul, (HCTV)– Malaayiin Turki ah ayaa maanta codkooda ka dhiibtay doorshada dawladaha hoose oo ahayd mid aad u adag, kadib olole kulul oo la soo maray iyo doodo adag oo ku saabsanaa Amaanka iyo Dhaqaalaha Dalkaasi ay jireen.

Ayaa goobaha codbixinta waxa caqabad weyn kala kulmay xisbiga Madaxweynaha dalka Turkiga ee AK Party, waxaana caqabadaha doorashadan uu xisbiga AK Party uu kala kulmay ka mid ah korodhka dhibaatada shaqo la’aanka iyo dhibaatadii qiimaha dhaca lacagta dalka Turkiga ee sanadkii la soo dhaafay dhulka gashay.

Sida uu sheegay Taha Akyol, oo ah Faaqide iyo qoraa dhinaca Siyaasada ah, ayaa sheegay in codbixintani ay tahay tii ugu adkayd ee uu wajaho Xisbiga Madaxweyne Erdogan, tan iyo intii uu yimid awooda dalkaasi 2002-dii.

“Xisbiga way ku adkaatay inuu dhinac iskaga leexiyo arimaha dhaqaalaha ka taagan markii ay xaqiiqda doodu ay noqotay biyo kama dhibcaan.” Ayuu yidhi Taha Akyol.

“Waxaan anigu qiimeeyey uun arinta dhaqaalaha iyo argagixisada inay tahay arinta ugu way ee codbixintani ay ka duulaysay,” sidaasi waxa yidhi Ayse Kara, oo ka mid ah dadkii maanta codkooda ka dhiibtay doorashada dalka Turkiga., waxaanu intaa ku daray “Waxaan Rumaysanay in wax kastaa ay sidoodii ku noqon doonaan doorashada ka dib.”

Sidoo kale Ilke Beltinge oo da’deedu tahay 25 jir, ardayad ah ayaa warbaahinta u sheegtay in aanay ku qanacsanayn jihada wakhti xaadirkan dalku uu u socdo.

“Waxaan cadka u dhiibtay si aan u helo xoriyad farabadan, isla markaana aan ugu noolaado hanaan dhaqaale iyo waxbarasho oo haboon. Waxaanan rajaynayaa in aynu arki doono isbadal doorashada ka dib.” Ayay tidhi xili ay codka ka dhiibanaysay goob codbixineed oo ku taala magaalada Istanbul.

HCTV NEWS DESK