Guddi Xaqiiqo Raadin Ah Oo Loo Diray Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa .

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Xubno ka mid ah Xildhibaannada Golahaasi u xil-saaray inay baadhitaan ku soo sameeyaan Xaaladda dhabta ah ee ka jirta Cisbitaalka guud ee Hargeysa iyo dhibaatada Biyo yaraanta ah ee ka jirta Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa baadhitaankan Xildhibaannada u xil-saaray, ka dib markii Dood Xildhibaannada Golahaasi yeesheen Maanta ay qaarkood sheegeen in Xaalad adagi ka jirto Cisbitaalka guud ee Hargeysa isla-markaana shay kasta oo bukaannadu u baahdaan ay lacagtooda ku soo iibsadaan, halkii ay ka ahayd in waxyaabaha qaarkood Lacag la’aan loogu qabto muwaadiniinta bukaanka ah, waxayna codsadeen in loo yeedho Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Biyaha, si wax looga waydiiyo Biyo yaraanta Hargeysa iyo dhibaatada ka jirta Cisbitaalka guud ee Hargeysa.

Laakiin, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo markaa ka dib hadlay ayaa soo jeediyey in Xildhibaannadu inta aanay codsan in loo yeedho Wasiirrada Biyaha iyo Caafimaadka ay indhahooda ku soo arkaan Xaaladda dhabta ah ee Cisbitaalka iyo Biyaha ee ka jirta Hargeysa, waxaanu yidhi “Eedo badan baad qaybiseen, ha noqoto dhakhaatiirta, dhalinyarada wax ku baranaysa iyo biyaha, intaba eed baad qaybiseen, markaa waxba loo yeedhi maayo Wasiir Biyood iyo mid Caafimaad midna laakiin Xildhibaannadiina Guddiga Arrimaha Bulshada, Maxamed Cabdiraxmaan, Dayib, Balaaki

Jirde iyo dheeg, illaa aad idinku meesha tagtaan oo aad soo ogaataan waxa meesha ka jira (Looma yeedhayo), haddaynu markaa ku qanci wayno ayaynu dooni (Wasiirrada)..”

Guddoomiyaha Guurtidu wuxuu xildhibaannada u soo jeediyey inay eedda iska dhowraan “Waxaad yeeshaan inaad eedda iska dhowrtaan oo wixii aynu halkan kaga doodnaa waa inuu noqdaa wax aynu soo hubsano..”ayuu yidhi.

 

HORN CABLE TV