Maxaa Laga Filayaa Shirka Carabta ee ka Socda Tunisia?

Tunis, Tunisia, (HCTV)  Sideed sanadood oo dadku ay ku qaylinayeen ha dhacaan kalidii taliyeyaashu, oo gilgilay Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe, ayay kuwo kalena ay ilaa hada dalbanayaan iyagoo sida mawjadaha u sunsumaya wadooyinka qaybo ka mid ah gobolka Carabta.

Sudan isku soo baxyo lagaga cabanayo korodhka qiimaha nolosha ayaa bishii December si balaadhan gugu faafay markii uu isku soo baxyadaasi ay isku badaleen banaanbaxyo lagaga soo horjeedo Madaxweynaha mudada dheer soo xukumayey dalkaasi ee Cumar Xasan Al-bashiir inuu iscasilo oo uu xilka ka tago.

Halka ay dalka Algeria, boqolaal kun oo qof ay ku qaylinayaan “Maya Bouteflika” tan iyo bishii February kaidb markii Madaxweynaha uu xanuunka Faaligu ku soo booday xili oo badka soo dhigay inuu isa soo sharaxayo markii shanaad doorasho jadwalkeedku ku mudaysnaa April.

Cadaadis Madaxweyne Cabdulcasiis Bouteflika uu la kulmay ayaa dalaw ka tuuray qorshihiisii ahaa inuu mar kale tartamo. Balse 82 jirkan ayaa sidoo kale dib u dhigay codbixinta si uu baaqi ugu sii noqdo xafiiska, dibadbaxyaal cadhaysan oo qaaday wadooyinka ayaa ku qaabay in aan wakhtigan loo baahnayn oo ay ciqaabi doonaan dhamaanba inta kale ee xisbiga.

Ilaa iyo hada baaqyo oo ku wajahan isbadal siyaasadeed ayaan la rumaysnayn in ay noqdaan Ajandaha kulanka dalalka ku bohoobay Jaamacada Arabta ee sanadkan oo Xadada ka dhacaya tunis, waxaana wakiilada qaar kamid ah dalalka laga yaabaa inay ka fal celiyaan wixii loogu yeedhay Gugii Carabta ee dhacay 2011-kii.

Sidaa darteedna waxa loo badinayaa in kulanka Jaamacada Carabta oo noqonaya shir Madaxeedkii 30aad ee ay yeeshaan lagaga hadlo dhaqdhaqaaqyada ka socda dalalka Sudan iyo Algeria, Arimaha ka taagan Buuraha Golan Heights ee Israil ay xooga ku haysato, Maraykankuna uu u aqoonsaday inay tahay dhul ay leedahay Israel iyo arinta Qudus ee Maraykanku uu Safaaradiisii Israel uu u raray halkaasi.

HCTV NEWS DESK