Tahriibayaal Saddex Ka Mid Ah Lagu Eedeeyay Inay Markab Shidaal Afduubeen

VALLETTA (HCTV) – Saddex Ka mid ah Tahriibayaal Afrikaan ah ayaa lagu eedeeyay inay Afduubeen Markab badbaadiyey iyagoo mara bad-weynta Mediterian-ka.

Saddexdan dhallinyarada ah ayaa lagu eedeeyay ka hor intii aanay Afduubin inay hawl-wadeennada Markabka ku khasbeen inay ku wareejiyaan Maamulka Markab, ka dib markii ay cabsi-geliyeen, laakiin Ciidammada sida gaar ah u tababbaran ee Malta oo hawl-gal sameeyay ayaa ku guulaystay inay Markabkaasi ku soo xidheen Dekedda Malta, iyagoo markaa ka dib xidhay Afar Qof oo ay ka mid ahaayeen Saddexdan sida gaarka ah loogu oogay dambiga ah inay afduub geysteen, taasi oo Sharciga Malta ka ah Dambi la mid ah ka argagixisada.

Saddexda dhallinyarada ayaa kala ah, Abdalla Bari oo ah 19 jir u dhashay Dalka Guinea iyo laba kale da’doodu kala tahay 15 iyo 16 jir ah, kuwaasi oo u kala dhashay Dalalka Guinea iyo Ivory Coast, kuwaasi oo sabab aan ka caddaynin loo qariyey Magacyadooda.

Cabtanka Markabka El Hiblu ayaa sheegay in Tahriibayaasha Afduubka geystay ay falkan ku kaceen, markii ay ogaadeen in dib loogu celinayo Liibiya oo ay markii hore ka soo ambo-baxeen, isla-markaana ay khatar geliyeen Amniga Markabka iyo Shaqaalahiisa.

 

Horn Cable Tv

 

 

.