Wasiir Khaliil Oo Soo Afjaray Khilaaf Dhexmaray Qaryaqaan Guuleed Dafac Iyo Sh. C/raxmaan Dheere

Hargeysa, (HCTV) – Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay inuu soo afjaray khilaaf soo kala dhex galay Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland, Guuleed Axmed Dafac iyo Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Cabdiaxmaan Dheere) oo ka mid ah Culimada Somaliland.

Khilaafka labaan masuul ayaa yimid ka dib markii Sheekh Cabdiraxmaan Dheere uu eedo u jeediyey Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland oo markii dambe uu dhibsaday Qaryaqaan Guuleed Axmed Dafac oo ah gudoomiyaha Xaruntaasi.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil ayaa u mahadceliyey Garyaqaanka iyo Sheekhaba sidii ay u aqbaleen baaqiisii, arintii khilaafkana ay u dhamaysteen.

“Waxaan halkan ka sheegayaa in arin maalin dhaweyd dhexmartay Sheekh Cabdiraxmaan Dheere iyo Guuleed Axmed Dafac oo labaduba ah laba aqoonyahan oo midna shareecada bartay midna uu law-ga bartay oo runtii aad odhan karto meelo badan ayay iska soo galayaan.

Waxa jirtay in Jimcihii dhaweyto Cabdiraxmaan Dheere uu khudbadiisa arimo cadaalada iyo horumarinteeda looga shaqayn lahaa, arintaasi oo kalmado ku saabsanaa arinta xuquuqal insaanka iyo wax la hal maala, uu walaalkeen Guuleed Axmed Dafac uu u arkay in isaga loola jeedo, si kastaba oo ay noqotayba arintii ay noqotay in ay isku jawaabaan oo xaga warbaahintana ay iskaga celiyaan Erayo, ariniguna aan halkaasi ku soo dhex galo, oo runtii Illaahay khayr ha siiyee walaalkeen Guuleed Axmed uu warqad cabasho ah uu ii soo qoray, Sheekh Cabdiraxmaana isagoo runtii tixgalinaya Wasaarada Diinta iyo Awqaafta oo uu ka mid yahayna uu tixgaliyey inuu ii yimaado. Dabeetana aan is horeenay si fiicana ay iskula qaadeen arintiina ay iskugu cudur daareen. Waayo qarankeena iyo dalkeenu waxa uu ku dhisan yahay isku tanaasulka iyo isku dulqaadashada iyo wax isku sheega, qof kasta oo bani’aadam ahi wuu khaldamaa.” Ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil oo isagu khilaafkaasi Sheekha iyo Garyaqaanka u dhexeeyey soo afjaray.

HCTV NEWS DESK