Somaliland: Shacabka Oo Looga Digay Adeegsiga Nooc Ka Mid Ah Isgaadhsiinta

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, ayaa waxay uga digtay Hay’adaha, Shirkadaha iyo Shaqsiyaadka aan fasaxa u haysan ee isticmaala Raadiyaha Gacanta (Walk Talk).

Agaasimaha Waaxda Isgaadhsiinta ee Wasaaraddaasi Maxamed Cumar Maxamed ayaa wuxuu Warbaahinta u sheegay  amarrada cusub ee ay ku soo rogeen Hay’adaha, Shirkadaha iyo Shaqsiyaadka aan fasaxa u haysan ee isticmaala Raadiyaha Gacanta, waxaanu yidhi  “Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu inta badan waxay ka shaqaysaa dardar-gelinta adeegyada isgaadhsiinta ee Dalka ka socda iyo sidii loo diwaangelin lahaa, loona heli lahaa xog sax ah oo la xidhiidha adeegyada isgaadhsiinta ee Dalka ka jira, sidaa darteed waxaany Maanta jira, taas awgeed waxaanu Maanta amar ku bixinaynaa Ruqsadleyaasha saddexaad ee hoos yimaadda Wasaaradda Isgaadhsiinta waana kuwa bixiya adeegyada Raadiyaha..”

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay “Waxa jira Shirkado Adeegsada Raadiyaha Gacanta (Walk Talk), kuwaas oo aan ka diwaangashayn Wasaaradda Isgaadhsiinta, waana arrin aad u khaldan, markaa waxa loo baahan yahay in shirkadaha noocaas ahi ay Wasaaradda ka diwaangashanaadaan, taasina waxay keenaysaa in Adeegyadaasi aanay dhex gelin adeegyada Dawladdu isticmaasho..”ayuu yidhi

 

Horn Cable Tv