Safiirka Maraykanka Ee Soomaaliya Oo La Kulmay Madaxweynaha Puntland

Boosaaso (HCTV) – Donald Yamamoto oo ah Safiirka cusub ee Madaxweynaha Maraykanku u soo Magacaabay inuu noqdo Safiirka Dalkiisa ee Soomaaliya, ayaa Maanta kulan la yeeshay Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni.

Mr. Donald Yamamoto iyo Weftiga uu hoggaaminayey ayaa Madaxweynaha Puntland kula kulmay Magaalada Boosaaso oo Madaxweynuhu ku joogay Safar, ka dib markii uu Shalay dib uga soo laabtay Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar oo uu booqasho ku tagay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo Madaxweynaha ku wehelinayey kulankaasi ayaa saxaafadda si kooban ugu sheegay in kulanka labada dhinac dhex maray is af-garad ku soo dhamaaday, waxaanu yidhi   “Waxaa maanta booqasho ku yimid Boosaaso safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka Ambassador Yamamoto isaga oo la kulmay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdillaahi Deni iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada”.

Wasiirku wuxuu sheegay Madaxweynaha iyo Safiirka Maraykanku ka wada-hadleen Arrimo amnigu ka mid yahay, waxaanu yidhi “Kulankaas oo lagaga wada-hadlay arrimaha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bani aadan-tinimada, waxaa si qoto dheer looga wada-hadlay loogana falanqooday taageerada dalka maraykanku siiyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee la xiriira taageerada dhanka amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka, shirkaas waxaa uu ku soo dhamaaday is afgarad iyo jawi wanaagsan…”

 

HORN CABLE TV