Xuska Sanad Guurada 1aad Ee Abiy Axmed, Sawiradii Sanadka La Qaaday Oo Lagu Soo Bandhigay

Addis Ababa, (HCTV) – Munaasibad loogu magac daray, (the April to April photo exhibition), ayaa waxa furay Wasiirka Wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska ee dalka Ethiopia, Hirut Kassaw, “taas oo qayb ka ah dedaalo ujeedadoodu ay ahayd sanad la sameeyey Isbadal,” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Ethiopia.

“Sawiradan la soo bandhigayo ayaa ka badan 250 sawir oo isugu jira digital and print photos ay qaadeen sawiraadayaashu oo muujinaya jawaabihii dadweynuhu ay ka bixiyeen, munaasibadii xilka uu kula wareegayey Raysal Wasaare Abiy Axmed iyo Wufuudii dawladaha caalamka ka socday ee ka soo qaybgalay caleemo saarka.

Abiy Axmed ayaa loo doortay inuu hogaamiyo xisbiga isbahaysiga dalka Ethiopia, ee EPRDF, dabayaaqadii bishii March 2018-ka, waxaana loo dhaariyey xilka Raysal Wasaare-nimo bishii April 2-deedii.

Waxaana uu si degdeg ah u sameeyey xoriyado siyaasadeed iyo kuwo dimuqraadiyadeed isagoo degaado badan ka sameeyey inuu gacan u fidiyo qaybihii mucaaidka ee mudada dheer laga xaaraantimeeyey inay ka soo agdhawaadaan dawlada dalka Ethiopia.

Sidoo kale waxa mudada sanadka ah lagu xasuustaa Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Mr Abiy Axmed nabadkii uu la gaadhay dalka Eritrea oo sanado ay isku ahaayeen cadowga koowaad dagaalno lagu hoobtayna ay dhex mareen labada dal, waxaana sawirada munaasibada xuska sanadguurada 1aad ee Raysal Wasaare Abiy Axmed loogu dabalaal dagayo ka mid ah sawiradii ay wada galeen Raysal Wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha dalka Eritrea. Waxaanu Raysal Wasaaraha Ethiopia uu Asmara booqday bishii July 2018-kii isagoo halkaasi kula kulmay Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki.

HCTV NEWS DESK