Shirka Dalalka Jaamacadda Carabta Oo Baaqyo Laga Soo Saaray

Tunis, (HCTV) – Kulan dalalka Jaamacada Carabtu ay ku yeesheen magaalada Tunis ee dalka Tunisia ayaa lagaga dhawaaqay in la horumariyo oo la cusboonaysiiyo samaynta qaran ay Falastiin leedahay, iyo in la cambaareeyo talaabadii dawlada Maraykanku ay Israel ugu aqoonsatay Dhulka ay qabsatay Golan Heights.

Shirkan hogaamiyeyaasha dalalka Carabta uga furmay maanta dalka Tunisia oo socon doona laba maalmood ayaa noqonaya shirkii 30aad ee ay yeeshaan dalalka Jaamacada Carabtu ayaa sidoo kale lagaga hadlay dagaalada ka socda Suuriya iyo Yemen, Xasilooni darada ka jirta dalka Yemen, iyo kacdoonada shacabka ee socda dalalka Sudan iyo Algeria iyo sidoo kale cunaqabataynta la saaray dalka Qatar.

Hadal uu furitaankii shirkaasi uu ka jeediyey Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud boqolka dalka Sucuudi Aabiya ayaa sheegay in dalkiisu uu si buuxda u taageersan yahay qaran buuxaha oo Falastiin, isla markaana laga haysto Daanta Galbeed, Marika Qasa, oo Bariga Qudus caasimad u tahay.

Madaxweynaha dalka Tunisia Beji Caid Essebsi oo isaguna shirkaasi dalkiisa uga furmay dalalka ku bahoobay Jaamacada Carabta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku cilinayo muhiimada ay leedahay qaran Falastiiniyiintu leeyihiin, waxaanu ugu baaqay dalalka Carabta midnimo inay yeeshaan.

HCTV NEWS DESK